Xisbiga UCID Oo Beeniyay Inuu Iscasilay Xubintii Xisbiga Ugu Jirtay Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka.

0
Wednesday September 02, 2015 - 22:02:39 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID Oo Beeniyay Inuu Iscasilay Xubintii Xisbiga Ugu Jirtay Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka.

    Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa cadeeyey inaanu wax iscasilaad ah u soo gudbin xubinta kaga jirta guddida doorashooyinka qaranka somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa cadeeyey inaanu wax iscasilaad ah u soo gudbin xubinta kaga jirta guddida doorashooyinka qaranka somaliland.

Ku simaha xoghayaha guud ee xisbigaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay inaanay ilaa hada soo gaadhin wax iscasilaad ah oo uu soo gudbiyey xubinta xisbigaas kaga jirta guddida doorashooyinka qaranka somaliland. Kusimaha xoghayaha guud ee xisbiga ucid oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Waxaan doonayey inaan halkan ka cadeeyo arin ilaa xalay ku soo noq noqonaysay warbaahinta taas oo sheegay inuu is casilay xubintii xisbiga Ucid kaga jirtay guddida doorashooyinak qaranka waxaanan cadaynayaa xubintaasi wax iscasilaad ah ama warqad is casilaad ah uu noo keenay ma jirto, xisbi ahaana waxaanu qabnaa inay

Xubintaasi in badan ku soo jirtay guddida doorashooyinka haday khibrad ahaanayso iyo haday aqoon ahaanayso iyo haday waaya arag ahaanayso waa xubinta kaliya ee ku jira sabab uu isku casilo oo hada ku kalifaysaana ma jirto hawshiina diwaan gelinta ayaanay ku jiraan waxaanu ka mid yahay xubnaha faraha ku tiriska ah ee fahamsan nidaamka diwaan gelinta, waxaanan halkan ka cadaynayaa inaanay ilaa hada jirin wax iscasilaad ah oo noo soo gudbiyey.”

Sidoo kale waxa uu bulshada ugu baaqay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya inuu is casilay xubintaasi waxaanu mar kale yidhi "Waxaan u sheegayaa bulshada somaliland iyo taageerayaashaba inaanay arintaasi is casilaada waxba ka jirin hawshiina uu wato, hawshii kale ee baaxada leh ee guddida doorashooyinku gacanta ku hayaana ay ku mashquulsan yihiin anaguna aanu ugu ducaynayno kalana shaqaynayno hawshaas dhamaystirkeeda iyo fulinteeda iyo sii wadisteeda maadama oo ay tahay furihii doorashooyinka.”

Dhinaca kale waxa uu xubnaha guddida doorashooyinka ugu baaqay inay hawsha hortaala kaga baxaan wada jir waxaanu yidhi "Waxaan ku boorinaynaa inay xilkaas qaran ee ay hayaan isku duubni iyo wada jir kaga baxaan, xilkaas qaranka ee baaxada leh ee laga sugayo ee diwaan gelinta iyo qabashada labada doorashaba inay si hawl karnimo ah uga soo baxaan.”


Afkashacabka Hargaysa/Office 

Contact@afkashacabka.com