Murankii Sababay in Hargeysa Hilib lagu Qali Waayo oo is af garad laga gaadhay iyo Hiliblayashi la xidh xidhay oo la sii daayey+SAWIRO

0
Thursday September 03, 2015 - 08:51:25 in by salman abdi
  • Visits: 882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murankii Sababay in Hargeysa Hilib lagu Qali Waayo oo is af garad laga gaadhay iyo Hiliblayashi la xidh xidhay oo la sii daayey+SAWIRO

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde oo ay wehelinayaan Labada wasiir ku xigeen Ee Wasaaradda, Taliyaha Ciidamada Booliska, Masuuliyiinta Dawlada Hoose Ee Hargaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde oo ay wehelinayaan Labada wasiir ku xigeen Ee Wasaaradda, Taliyaha Ciidamada Booliska, Masuuliyiinta Dawlada Hoose Ee Hargaysa

 ayaa galinkii dambe ee Arbacada kulan saacado badan qaatay la qaatay xubno metelayay Ururka Hiliblaha ee Nafaqo iyo shirkadda kaawaanka xoolaha lagu qalo ee Maandeeq kadib markii Hiliblaha oo lacago lagu kordhiyay ka cawday shaqo joojin laba cisho socotay sameeyay.

imageimage

Kulanka saddex geesoodka ah ee madaxda dawladda iyo labada dhinac ee is haya dhex maray ayaa lagu dhegaystay cabashooyinka labada dhinac, waxaanay ganacsatada Hilibku ku doodeen in shirkadda Maandeeq ugu yaraan Sideetan kun oo dollar($80,000) bishii ka hesho lacagaha laga qaado hiliblaha, taasi oo ka badan macaashka hilibluhu ka helo shaqada ay hayaan.

Shirkadda ayaa dhinaceeda ku dooday in lacagta ay xoolaha ka qaado ay bixin wayday shaqada amma adeegga loo qabto dadka Hilibka ka ganacsada, islamarkaana aanay sii wadi Karin nadaafadda Kawaanka iyo shaqaalaha ka shaqeeya daryeelkooda.

Mid ka mid ah dadka Hilibka ka ganacsada ayaa sidan u sharaxay sababta ay shaqada u joojiyeen "Waxa isku kaayo keenay ee aanu shalay iyo maantaba u joojinay qalista xoolaha waxa weeye, waxaanan qaadi Karin ayaa nalagu jujuubay. Neefka Lo’ada ah waxaa nala yidhi bixiya SLSH 35,000 wuxuu ku kordhiyay 12,000 kun, Neefka geela ah wuxuu yidhi bixiya SLSH 60,000 wuxuu ahaan jiray 42,000, Neefka adhiga ahi wuxuu ahaan jiray 6,500 wuxuu yidhi 12,000 bixiya waxaanan qaadi Karin ayuu nagu jujuubayaa”.

imageimageimageimage

Wasiir Cali Maxamed waran Cade kadib markii uu dhagaystay doodaha labada dhinac waxa uu go’aamiyey in lacagihii ay isku hayeen labada dhinac laga dhimo min 2,000 Shilinka Somaliland ah .Geela, Lo’da iyo Adhigaba.

Isla Markaana ay Bari Sidaasi Ku Qalaan Hilibka Lana Baadho Xaqiiqada dhabta ah ee ku Duugan Cabashada labada Dhinac taas oo loo saari doono gudi Sadex geesooda. Guddida ayaa ka kooban shirkadda Maandeeq,Hiliblaha iyo dawladda.

Go’aankan ayaa shirkada Hilibka Qasha ee Maandeeg iyo Hilib layduba Ay qaateen layskuna Afgartay in hawsha sidaasi lagu bilaabo ilaa inta gudidu go’aan danbe kasoo Saareyso.