Hargaysa:Ciyaartoy Ka Dayriyey Xaaladda Xulka Gobolka Maroodi Jeex

0 in by salman abdi
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Ciyaartoy Ka Dayriyey Xaaladda Xulka Gobolka Maroodi Jeex

    Ciyaaryahan Asad Ismaaciil Aadan oo u Xulka Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland Uga Ciyaara Number-ka 3aad ee Baasha Bidix, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu Xulkii uu maddadda dheer u soo Ciyaariyey, waxaanu sido kale ka w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahan Asad Ismaaciil Aadan oo u Xulka Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland Uga Ciyaara Number-ka 3aad ee Baasha Bidix, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu Xulkii uu maddadda dheer u soo Ciyaariyey, waxaanu sido kale ka waramay asbaabaha xiligan ku kalifay in uu Iskaga tago Xulka magaca Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimadda Somaliland ku Ciyaara.

Laacibkan Xulka Gobolka Maroodi Jeex iyo Kooxda Goodir ee Ciidanka Bileyska u Ciyaara ee Asad Ismaaciil, ayaa Wareysi gaar ah oo uu Wargeyska Saxansaxo Hargeysa kula yeeshay, ayuu ku shaaciyey in uu go’aan ku gaadho in uu iskaga tago shaqadii uu Booska Difaaca ee Bidixda uga hayey Xulka Gobolka Maroodi Jeex ku Ciyaara oo uu ka tirsanaa mudo 2-Sanno ka badan, waxaanu Ciyaaryahan Asad sheegay in sababaha ugu waa weyn ee uu kooxda Magaca Gobolka Ku Ciyaarta uu uga tegayo ay ka mid tahay Dhaqaale Xumo iyo Daryeel la’aan u saamixi wayday in uu kooxdaasi ku sii dhex jiro , waxaanu Ciyaaryahankani sido kale ka waramay Sooyaalkiisa Taariikheed ee Kubadda Cagta iyo kooxihii uu ka soo Ciyaaray mudadii uu ku jiray Ciyaarahaa.

Laacibkan Xulka Gobolka Maroodi Jeex iyo Kooxda Goodir ee Ciidanka Bileyska u Ciyaara ee Asad Ismaaciil Aadan oo ugu horeyn ka hadlaayey sababta ku kaliftay in uu ka huleelo oo iska Casilo Xulka Gobolka Maroodi Jeex ee uu mudada u soo ciyaarayey waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Aniga oo Magacaygu yahay Asad Ismaaciil Aadan oo u Ciyaara gobolka Moori Jeex ahna sido kale Ciyaarto sido kale u Ciyaara Kooxda Ciidanka Bileyska ee Goodir, maanta waxaan halkan si rasmi ah ugaga dhawaaqaaya in aan ka tanaasulay oo aanan ka tirsanaan doonin wixii maanta ka dambeeya kooxdaydii Gobolka Moroodi Jeex, waayo markii aan arkay duruufo badan oo kooxda ku gedaaman , waxay ila noqotay ban in aan kooxda ka diga rogto ,ujeedada aan maanta doonayo in aan cadeeyo oo aan ku dhawaaqaana waxa weeye in aan cadeeyo in aan kooxdaasi ka tegay isla markaana aan dhawaan soo sheegi doono hadii ALLE idmo Xulka aan ku biiri doono”

Laacib Asad Ismaaciil Aadan aanu waydiinay waxa uu kaga jawaabay "Run ahaantii mudadii labadii sanno ee ugu dambeeyeyba waxaan ka tirsanaa Xulka Gobolka Maroodi Jeex oo aan Numberka 3aad ee Baasha Bidix uga Ciyaarayey, xaqiiqada igu kaliftay in aan xulkayga u sii Ciyaarana waxa kaw ka ah in aanay Ciyaartoyga Xulka Gobolka Maroodi Jeex ku Ciyaara aanay aheyn kuwo hela daryeelkii iyo Xanaaneyntii ay aheyd inay helaan oo runtii waxaanu aheyn rag adag oo Cagtooda uun ku wada Xulka lamana tartami karo Ciyaartoyga Xulalka goboladda kale u Ciyaara oo duroofo badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo daryeelka ah oo xulka ku gedaaman ayey noqotay ama keenay in aan xulka uga tagno , sida aad og tihiin Xulka Gobolka Maroodi Jeex waa kooxdii ku Ciyaareysay Magaca Caasimadda Hargeysa waxaanay aheyd inay noqoto kooxda ugu fiican xag kasta oo la daryeelo oo xata waxa ugu yar Bas Ciyaartoyga gobolka lagu soo qaado kaasina ma jiro wax kale oo dhaqaaleyn ama Xanaaneyn ahna iskaba daa. Kolka sida darteed ayaan anigu uga tanaasulay in aan ka sii tirsanaado Xolkaasi”

Aasad oo ka jawaabayey su’aal aheyd in bal inay jirto wax khilaaf ah oo isaga iyo Ciyaartayda ama Maamulka "Runtii wax dhibaato ah oo cidna na dhextaalay Ciyaartoyga iyo Maamulka toona ma jirto balse runtii waxa weeye kolka aad Xul sida gobolka Maroodi Jeex oo kale ah u Ciyaareyso waxa weeye hawl culus ayaa looga baahan yahay Ciyaartoy kasta waayo gobolo kale ayaa la tegayaa xulal adag ayaa la la Ciyaarayaa oo Tamar badan ayaa runtii la luminayaa waxaana weeyaan in Ciyaartoyga loo soo jeessto oo intaasi laga sii hortago oo wax kasta oo ay u baahan yihiin laga dhiso waxaana noo muuqata in wax hiil iyo hooya oo na loogu hagar baxayo in aanay meesha jirin oo xata labaddii Koob ee aan hore u soo qaadnay waxa iska haysta labadii Kabtan, marka waxa ay aheyd in gobolka Xulkiisa Kubadda Cagta uu noqdo mid la daneynaayo arimahaasi oo dhan oo meesha ka maqan ayaa igu kalifay in aan kooxda iskaga tago ee ma jirto Ciyaartoy, Macalin ama Maamul aanu isku dhacnay”

Xigasho Wargayska Saxansaxo