Daawo: Sh. AadanSiiro oo Dhalinyarada Guurdoonka ah ee somaliland u Bushaareeyey

0
Saturday September 05, 2015 - 09:26:01 in by salman abdi
  • Visits: 1395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Sh. AadanSiiro oo Dhalinyarada Guurdoonka ah ee somaliland u Bushaareeyey

    Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland ayaa dhallinyarada guur-doonka ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland ayaa dhallinyarada guur-doonka ah,

gaar ahaan kuwooda aan awoodeyn kharashka badan ee ku baxa meherka u ballan-qaadey in laga taageerayo aasaaska qoysaskooda isla-markaana xafladda meherka loogu qabanayo Masaajidka QUBA ee uu Sheekhu Khadiimka ka yahay.

Sheekh Aaden Siiro, ayaa khudbaddii Jimcaha ee Maanta ku soo qaadey sida ay muhiimka u tahay in la taageeri dadka jilicsan, sida dhallinyarada guurka ah ee waayuhu dabarka ku xidhay, waxaanu Sheekhu dadweynihii Masaajidka ku sugnaa ka codsaday in dhallinyarada is-ogol ee doonaya in Masaajidka la iskugu meheriyo, lagana taageero bilowga qoysaskooda ay xidhiidh la sameeyaan isaga "Ninka dhallinyarada ah ee Kabbaatiga, lacagta iyo baabuurta badan dhibeen waxaan u sheegayaa inaynu ku caawinayo kharashka bilowga (qoyskooda), Masaajidkana waynu iskugu meherinaynaa Salaadda Jimce ka dib (Jimce kasta), sidaa daraadeed waxaad (warkaa) gaadhsiisaan cidda is ogol ee waligooduna ogol yahay (inay is guursadaan)…”ayuu yidhi, Sheekh Aaden Siiro oo u bushaareynaya dhallinyarada guur-doonka ah, waxaanu intaasi ku daray in marka uu dhacayo meherka lamaanayaasha is-ogol uu Masaajidka imanayo qofka weliga ah "Weliga oo kaliya ayaa Masaajidka soo fadhiisanaya iyo ninka mehersanaya gabadh, innaguna waxaynu ku caawinaynaa ducada…haddaynu doono shan ayaynu is-raacinaynaa oo aynu isku meherinaynaa..”

Sheekha ayaa sheegay in farrintani khuseyso dhalliyarada aan dhaqaale ahaan awoodeyn inay guursadaan "Waxaan u jeedaa inanka aan awood (Dhaqaale) oo badan aan lahayn iyo gabadha is doonaya inay is-guursadaan…”ayuu yidhi, Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro).

Hadalka Sheekha ayaa bushaaro u ah dhallinyaro badan oo doonaya inay is-guursadaan, hasa-yeeshee aan ilaa hadda dhaqaaluhu u saamixin.