"Dastuurka Meelna Kagama Taalo Inuu Madaxwaynahu Soo Celiyo Go'aan Gole....." Guddomiye Cabdiraxmaan Ciro

0
Saturday September 05, 2015 - 17:17:35 in by salman abdi
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dastuurka Meelna Kagama Taalo Inuu Madaxwaynahu Soo Celiyo Go'aan Gole....." Guddomiye Cabdiraxmaan Ciro

    Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa hadlay Go'aankii Golaha ee uu Madaxwaynahu Soo celiyay isaga oo sheegay in Dastuurka Somaliland aanay ku qornayn inuu go'aan gole madaxwayne soo celin karo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa hadlay Go'aankii Golaha ee uu Madaxwaynahu Soo celiyay isaga oo sheegay in Dastuurka Somaliland aanay ku qornayn inuu go'aan gole madaxwayne soo celin karo.

Ciro waxa uu sheegay inaanay dawladu ka koobnayn xukuumadda kaliye loona baahan yahay heshiisyada in ay xukuumadu golaha sharciga u leh soo mariso,hadii Kale heshiiskaasi yahay mid sharci daro ah.

waxa uu Xukuumada u Soo jeediyay in Ay soo sameeyaan Xeerka Hantida qaranka Si loo Fuliyo Qodobo Dastuurka ku jira,isaga oo cadeeyay marka ay talooyin Badan ay sameeyaan oo sharci ah in Ay Go’aan Gole kaga jawaabi Doonaan waxaana uu yidhi.

"waxa ku qoran Qodob tilmaamay Madaxwaynu waxa uu soo celin karaa mashruuc sharci,hadii uu ku qanci waayo 21maalmood gudahood,hasayeshee dastuurka kuma qorna kumana xusna go’aan gole inuu madaxwaynahu soo celin karo,qodobka 12tobnaad farqado badan ayuu ka kooban yahay,taas madaxwaynu cuskaday waa qodob jira in ay kirayn karaa,lakiin sida sharciga ah ayay u kirayn karaan am xeerka.Sidaas ayuu yidhi Ciro isaga oo waraysi Siinayay BBC-da

 

intaas waxa uu ku daray cabdiraxmaan ciro.”Farqad kale oo xeerkaasi ka mid ahi waa farqada shanaade waxa ay tilmaamaysaa hadii lawareejinayo hanti am la isticmaalayo waa in loo maraa xeer taas horena waxa ay sheegaysaa in xeer loo maro,Farqada 2aad ee madaxwaynahu cuskaday isla xeerkaasi waxa ay tilmaamysaa waa qodobka 12tobnaade waxa ay tilmaamaysaa in masuuliyada ilaalintu saran tahay xukuumada iyo shacabkaba.

Ciro ayaa madaxwaynaha somaliland tusay inaanay Dawladu ka koobnayn oo kaliya Xukuumada oo kaliya,Balse ay ku jiraan Cadaalada,Labada Gole iyo Fulinta waxaana uu yidhi.”Sidaas daraadeed waxa muhiim ah marka Hore in Ay Xukuumadu Ama Madaxwaynahu Soo sameeyaan Xeerkii Hantida Qaranka Si loo fuliyo Qodobada Dastuurka ku jira,waxaanu leenahay tartan furan haloo maro Xeerkii Xukuumadu Hasoo samayso,Sidaas aynu dastuurka ku waafajino.

Geesta kale waxa uu sheegay hadii Aanu Heshiisku Dhamays Tirnayn Sida uu cadeeyay Madaxwayne Siilaanyo in Ay Caday inuu Galay Madaxwaynahu Heshiis.”Madaxwaynahu waa uu sheegay waxaana uu yidhi heshiisku madhamaystirna,markaas in ay heshiis galeen waa uu sheegay,markaas Warqadiisana way ku caday inuu heshiis jiray.

Su’aal Guddoomiye Ciro laga waydiiyay in Heshiiskaasi in ay Lalaan Ka danbeyeen Xildhibaanada Mucaaradka Ahi ayaa sheegay in Ay arintaasi Been tahay waxaana uu yidhi.

"Arintaasi waxba Kama jiraan Go’aan Golahu ku midaysan yahay Ayuu ahaa Shan iyo Konto Mudane ayaa jiray inta Badani kulmiye ayay ahayd inta Codaysay Kulmiye ayaa u badnaa,lakiin Go’aan uu golahu ku qaybsanaa muujirin Axsaabtna ugu qaybsanaa.