
Atletico Madrid Oo 6 Dhibic Ku Qabatay Hogaanka Laliga Kadib Guul Ay Ka Gaartay Elche.
Atletico oo doonaysay inay sii adkaysato hogaanka horyaalka ayaa ku soo gashay ciyaarta qaab weerar ah, Diego Costa iyo David Villa ayaa ka qasaariyay Atletico kubado u furnaa goolka daqiiqadihii 6,9 iyo 13.
26 daqiiqo Marquez ayaa u soo dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo kooxdiisa lakiin Courtois ayaa banaanka isaga saaray kubada isagoo ka badbaadiyay inay gasho gool kiisa, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 0-0 qaybtii hore.
Qaybtii danbe kooxda Atletico ayaa ku soo gasho weerar ka fiican kii qabtii hore, 49 daqiiqo garsooraha ayaa rigoore u dhigay Atletico kadib markii Sapunaru uu xerada ganaaxa ku dhex jilaafay Raul Garcia lakiin David Villa ayaa ka qasaariyay rigooradaas kooxdiisa kadib markii uu ka tufay gool haye Manu.
56 daqiiqo garsooraha ayaa diiday gool uu dhaliyay David Villa kadib markii uu tilmaamay inuu ku jiray Offside, 72 daqiiqo Miranda ayaa hogaanka u dhiibay Atletico Madrid kadib markii uu madax xoogan ku taabtay kubad laga soo laaday koornada isagoo ka dhigay ciyaarta 1-0.
Dhamaadkii ciyaarta Atletico ayaa heshay rigoore kale kadib markii Sapunaru uu markale qalad ku galay Diego Costa isagoo laga saaray ciyaarta, Costa ayaana shaba dhex dhigay kubadaas isagoo ka dhigay ciyaarta 2-0, ciyaarta aya ku soo idlaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Atletico Madrid.
Atletico Madrid Oo 6 Dhibic Ku Qabatay Hogaanka Laliga Kadib Guul Ay Ka Gaartay Elche.
Kooxda Atletico Madrid ayaa caawa gaartay guul ay u qalantay taas oo u fududaysay inay 6 dhibic ku qabato hogaanka horyaalka kadib markii ay 2-0 ku garaaceen kooxda Elche oo marti u aheyd, Miranda iyo Diego Costa ayaa ka caawiyay Atletico Madrid guus