Yaman:Diyaaradaha Dagaalka Ee Isbahaysiga Carabta Oo Oo Duqeymo Ka Gaystay Magaalada Sanca.

0
Sunday September 06, 2015 - 21:29:59 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaman:Diyaaradaha Dagaalka Ee Isbahaysiga Carabta Oo Oo Duqeymo Ka Gaystay Magaalada Sanca.

    Ciidamada isbahaysiga oo ay hogaamiso boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa duqeyn u geystey saldhigyo ay ciidamada mucaaradka Xuutiyiinta ku leeyihiin magaalada Sanca labo maalmood kadib markii ay ciidamada isbahaysiga ay ugaga dhinteen 60 askari dalka Y

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada isbahaysiga oo ay hogaamiso boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa duqeyn u geystey saldhigyo ay ciidamada mucaaradka Xuutiyiinta ku leeyihiin magaalada Sanca labo maalmood kadib markii ay ciidamada isbahaysiga ay ugaga dhinteen 60 askari dalka Yemen.

Qaraxyo waaweyn ayaa ruxay magaalada caasimada ah ee Sanca iyadoo ay ciidamada huwanta ay bartilmaameedsanayeen xarumaha ciidamada Xuutiyinta iyo saldhigyo ay leeyihiin ciidamo u daacad ah madaxweynihii hore ee dalka Yemen Ali Abdalla Salah. Dowlada Sacudi Carabiya ayaa lagu eedeeyay in ay u isticmaaleen duqeynta bamka kala firdha.Weerarkan ayaa yimid kadib labo maalmood oo weerar gantaalo ah lagu qaaday Marib oo ah gobolka Bariga dalka Yemen ku yaal halkaasoo ay ku dhinteen 45 askari oo ka mid ah ciidamada Imaaraadka Carabta,waxana uu ahaa qasaarihii ugu badnaa ee soo gaara ciidamada Imaaraadka Carabta tan iyo sanadkii 1971.

Meydadka ciidamadan ayaa waxaa la geeyay Sabtidii dalkooda iyadoo dowladana ay ku dhowaaqday saddex maalmood oo baroordiiq ah. Duqeynta ay Jimcihii Xuutiyiinta ku qaadeen ciidamada isbahaysiga ayaa waxaa ka dhashay qaraxyo waaweyn iyadoo sidoo kale ay ku dhinteen toban askarioo Sacudiyaan ah iyo shan u dhalatay dalka Bahrain.

Xukuumada Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in aysan niyad jab ka qaadi doonin qasaaraha soo gaaray ciidamadeeda ayna sii wadi doonto taageerada ay siiso dowlada uu madaxda ka yahay Abd-Rabuu Mansour Hadi.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa taleefan ugaga tacsiyeyay madaxweynaha Imaaraadka Mohammed bin Zayed.

Ururka Shiicada ah ee Xuutiyiinta ayaa ku tilmaamay weerarka ay ku qaadeen saldhigga ciidamada huwanta uu ahaa mid loogu aargudayay lixdii bilood ee ay duqeynta ku hayeen deegaanada ay maamulaan Xuutiyinta.

Inkabadan 4,500 oo ruux ayaa ku dhimatay dalka Yemen tan iyo markii dagaalada sokeeye ay ka bilowdeen, dadka ayaa waxaa ka mid ahaa boqolaal carruur ah sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. 



Contact@afkashacabka.com