Daawo: Badhasabka Awdal Md Ramaax oo ka qayliyey Odayaal uu sheegay inay Tvga ka hadlaan Habeen Walba

0
Tuesday September 08, 2015 - 09:40:53 in by salman abdi
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Badhasabka Awdal Md Ramaax oo ka qayliyey Odayaal uu sheegay inay Tvga ka hadlaan Habeen Walba

    Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay inuu khaatiyaan ka joogaan Salaadiin iyo Odayaal reer Boorame ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay inuu khaatiyaan ka joogaan Salaadiin iyo Odayaal reer Boorame ah,

kuwaasoo uu sheegay inay had iyo goorraale ashkatado iyo dacwad la taagan yihiin Tv-yadda dalka, isla markaanna ay ku dhaliilayaan hawlaha Horumarineed ee ay ka waddaan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Mr Ramaax waxa uu dadweynaha reer Boorama u soo jeediyey inay kala shaqeeyaan Horumarinta gobolka, waxaannu sheegay inaanay Tv-yaddu ahayn dawlad laga ashkataynaayo, balse ay ka habboon tahay inay ka wada xaajooddaan Maamul ahaan iyo ka dadweyne ahaan wixii cabasho qaba sidii ay u wada sixi lahaayeen.

Mr Ramaax waxa uu sheegay inaanay Salaadiinta, Aqoon-yahanka iyo dadweynaha uga fadhiyin inay ashkateeyaan, iyadoo uu sheegay inay dedaal balaadhan ugu jiraan sidii ay u dhisi lahaayeen gobolka Awdal ee xaruntiisu tahay Magaalada Boorama.