Wasiirka Madaxtooyada oo Baaq u diray Warbaahinta iyo Dadka kale ee Qabyaaladda Faafiya ama adeegsada

0
Tuesday September 08, 2015 - 10:31:33 in by salman abdi
  • Visits: 607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada oo Baaq u diray Warbaahinta iyo Dadka kale ee Qabyaaladda Faafiya ama adeegsada

    "Saxaafado Kaliya Mahe Dadka Wada Ee Masuuliyiinta Ahi Umadda Ha Ka Daayaan Qabyaalada Weliba Kuwa…" Wasiirka Madaxtoyada .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Saxaafado Kaliya Mahe Dadka Wada Ee Masuuliyiinta Ahi Umadda Ha Ka Daayaan Qabyaalada Weliba Kuwa…" Wasiirka Madaxtoyada .

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa saxaafadda iyo guud ahaan umadda reer Somaliland ugu baaqay in ay ka waantoobaan ku dhaqanka qabyaaladda oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah cudurrada bulshadeena dhibka weyn ku haya isaga oo dhinaca kalena ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan in ay sallaan u noqdaan hadba siyaasi fashilmay oo aan kalsooni isku qabin illaa uu durbaano qabyaaladeed umadda u tumo oo in badani sidaa ugu sacan tunto, isaga oo Wasiirku sheegay in qofka muwaadinka ah ama masuul ah ee kalsooni isku qaba umaddiisana wanaag ugu adeegaa aanu u baahnayn durbaano qabyaaladeed in uu umaddiisa ugu kala qaybiyo.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidan ka sheegay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay oo uu shalay ka jeediyey xaflad ballaadhan oo ardayda reer Somaliland ee wax ka barata wadanka Turkigu ku maamuuseen saraakiil dawladeed oo uu ka mid ahaa, xafladdaasi oo ku qabsoontay Hoolka Xafladaha ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.


Wasiir Xirsi mahad naq kadib waxa uu ku dheeraaday dhibaatada qabyaaladdu maanta qarankeena ku hayso isaga oo walaac weyn ka muujiyey siyaasiyiin uu ku tilmaamay kuwo faashil ah oo aan isku kalsoonayni in ay Saxaafadda ka dhigteen sallaan ay umadda ku kala dilaan oo ay qabyaalad ugu kala qaybiyaan isaga oo si gaar ah warbaahinta ugu dardaarmay in ay ilaashadaan sumcaddooda qarankoodana ugu adeegaan waddaniyad iyo dareen run ahaansho ah oo ka reebban qof weerar.
Wasiirka ayaa soo qaatay aayado iyo Axaadiis ka warramaysa dhibka ay leedahay in qofka muslimka ahi uu buunbuuniyo warar been abuur ah oo uu maqlay taasi oo jidka xun ku hogaaminaysa. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Qabyaaladdu waa aafo Bulshadeena hadhaysay, ahna mid ka mid ah cudurrada qarankeena ku dhacay oo aan uga baqayo in uu waxyeeleeyo. Qabyaaladdu waxa ay dhibaato weyn ku haysaa isku duubnidii umaddani wax ku qabsan lahayd, wada jirkeedii iyo isku xidhnaanteedii. Aniga oo aan jeclayn in aan wax ka sheego Warbaahinta inteeda xirfadda leh haddana Waxaan jecelahay in aan ka hadlo waddooyinka ay qabyaaladdu raacdo in ay maanta ka mid tahay Warbaahinta oo noqotay mid ka mid ah agabka kobciya ee buunbuuniya qabyaaladda ee sallaanka u ah ee kor u qaada. Waxa aan leeyahay hala iska hubsado wararka aan xaqiiqada ku salaysnayn ee qabyaaladda kobciya. Waxa kale oo aan leeyahay dadka waxaasi qoraa haka waantoobaan wararka dadka ka been sheegaya ee qof aan dhib gaysan lagu xumaynayo ama wakhtiyada qaarkood habab qabyaaladeed madaxa isugu galinaya. Ilaahay SWT Qur’aankiisa kariimka ah waa uu ku naqdiyey kuwa munaafaqiinta ah ee wax walba sheegaya oo aan xaqiiqo ahayn. Sidoo kale Rasuulkeena Suubbani (SCW) isaga oo tilmaamaya dhibaatada ah leedahay hadalka aan la hubsan ee la iska faafiyo waxa uu innoo sheegay in qofka Muslimka ah shar ay ugu filan tahay in uu faafiyo wax kasta oo uu maqlo” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
"Waxaan leeyahay halaga waantoobo wararka sida sallaanka kor loogu qaadayo qabyaaladda qaawan ee umadda kala kaxaynaysa. Waxaan si gaar ah ula hadlayaa warbaahinta nooc walba ama ha ahaadaan kuwa dawladda ama kuwa gaarka loo leeyahay. Aan umadda ka qabano kuwaasi oo aan la tacaalno. Warbaahinta waxaan ku dardaarayaa in aanay gogol u dhigin qabyaaladda. Waxa aynu u baahanahay in aan wixii wanaagsan ee samaha umaddu ku jirno kor u qaadno wixii umadda kala kaxaynaya ee aan qarankeena u wanaagsanayna aan ka waantowno oo hoos u dhigno”.
Wasiirka oo ka hadlayay in cidda qabyaaladda kicinaysa aanay ahayn oo kali ah saxaafadda ayaa yidhi: "Cidda qabyaaladda kor u qaadaysa ee maanta dhibtaa qabyaaladeed kicinaysa saxaafadda oo kali ah ma aha ee waxaan ognahay in ay ka qayb yihiin siyaasiyiinta oo adeegsada marka ay wax ku doonayaan. Waliba waxa isticmaala kuwa guul-darraystay. Ninka aan ugu baahnayn in uu qabiil ugu yeedho oo Tolaayeey yidhaahdaa waxba ugama baahna ku dhaqan qabyaaladeed. Ninkaase guul darraystay ayaa isticmaala oo ah ka aan isku kalsoonayn oo kashiisha ka werwerka qaba oo aan kalidii istaagin Karin. Waxaan leeyahay waar qabyaalad aan iska dayno oo dadka masuuliyiinta ahi haka daayaan umaddooda qabiilka gaar ahaan kuwa aan iskood u socon Karin ee faashilka ahi”.