Ma Dhaba Maxkamada Sare Inay Ka Garnaqayso Heesaha,Buugta Iyo Magacyada Lakala Xado???

0
Thursday September 10, 2015 - 12:25:29 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhaba Maxkamada Sare Inay Ka Garnaqayso Heesaha,Buugta Iyo Magacyada Lakala Xado???

    Maxkamada sare ee jamhuuriyada Somaliland ayaa ku dhawaaqday wakhtigan inay diyaar u tahay ka garnaqida fikiradaha,heesaha,buugta iyo magacyada la kala xado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada sare ee jamhuuriyada Somaliland ayaa ku dhawaaqday wakhtigan inay diyaar u tahay ka garnaqida fikiradaha,heesaha,buugta iyo magacyada la kala xado.

Gudoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ka garnaqi doonaan waxyaabahan marka la kala xado, waxaanu sheegay inay danaynayaan in maxkamadaha dalku ay qaadaan kiisas noocan ah si loogu ilaaliyo dadka hantida fikirka.
Waxa guddoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali sida oo kale uu sheegay inay qabteen dacwadii ugu horaysay oo ay u soo gudbisay jaamacada Hargeysa oo ka cabanaysa jaamacad magaceeda la baxday oo Hargeysa laga furaayo.

Talaabadan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee garsoorka dalku uu u muujiyo danayan ilaalinta fikirka maskaxeedka dadka iyo magacyada meheradaha, waxaana inta badan la arkaa dad isku haysta hooso iyo buug la kala xaday oo la cid ugarnaqda.

Contact@afkashacabka.com