Shirkad Laga Leeyahay Waddanka Shiinaha Oo Shidaal Ka Soo Saaraysa Deegaanka Soomaalida Ethiopia

0
Thursday September 10, 2015 - 12:45:09 in by salman abdi
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkad Laga Leeyahay Waddanka Shiinaha Oo Shidaal Ka Soo Saaraysa Deegaanka Soomaalida Ethiopia

    shirkad fadhigeedu yahay Shiinaha oo lagu magaacabo Poly Technology ayaa shaaca ka qaaday in uu shidaalka degaanka Soomaalida 'Ogaden' uu muddo 3 sano ah ku soo saarayo. Shirkada oo hawlo sahamin ah ka wada qaybo Itoobiya ah ayaa aduun dhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

shirkad fadhigeedu yahay Shiinaha oo lagu magaacabo Poly Technology ayaa shaaca ka qaaday in uu shidaalka degaanka Soomaalida 'Ogaden' uu muddo 3 sano ah ku soo saarayo. Shirkada oo hawlo sahamin ah ka wada qaybo Itoobiya ah ayaa aduun dhan 5 bilyan oo doolar dalka galineysa.

Masuuliyin ka mid ah shirkada oo maanta kulan la yeeshay madaxweynaha Itoobiya ayaa baahiyey in shidaal dhan 40 bilyan oo galaan laga soo saarayo Ismaamulka Soomaalida 3 sano kadib.


Qaar ka mid ah warbaahinta daneysa degaanka Soomaalida ayaa maalmo yar ka hor tibaaxay in wufuud heer federaal iyo kilil ah oo ay wahiliyaan khubaro Shiinaha ka socdaa ay booqdeen xaruumaha shidaalka ee ku yaal gobolada Qoraxay iyo Shabeele.
Madaxweyne-ku-xigeenka shirkada Poly Technolgy, Huan Geming, ayaa qasriga madxatooyada kula kulmay madaxweynaha Itoobiya – Mulato Teshome.
Teshome ayaa Shiinaha ku amaanay maalgashiga iyo taageerada dhinacyada badan leh ee ay u fidiyaan Itoobiya.
Wafdiga Shiinaha ah ayaa dhankooda ka xusay in labada dal yihiin wadamo saaxiib ah oo iskaashada.
Huan Geming ayaa sheegay in shirkado dhiseyso dhuun dheer oo isku xidha Ogaden iyo Jabuuti si gaaska dabiiciga ah loogu dhoofiyo wadamada Yurub ee dalal kale.
Waxaa xusid mudan, in qaar ka mid ah warbaaihinta reer Galbeedku ay hadda ka hor sheegeen in jabhada ONLF ay carqaladayn karto mashruucan inkastoo ay ciidmada Itoobiya ONLF wiiqeen milatari ahaan.
Ducda kale, waxaa jira wadahadalo aan weli midho-dhal noqon oo u dhaxeeya ONLF iyo Itoobiya oo ay xukuumada kiiniya, oo daris la ah Itoobiya, daadihineyso.
Dadka degaanka ku dhaqan ayaa goobaha shidaalka laga qodayo oo yaqaana jeexdin iyo Ilaale, halka Itoobiya inteeda kale looga yaqaano Kaaluub. 


Afkashacabka.com

 Contact@afkashacbka.com