Hargaysa: Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeyb Galay Xaflada 2020 Ardey Oo Ka Qalin Jabiyey Jaamacada Gollis +Sawiro

0
Thursday September 10, 2015 - 14:47:30 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa: Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeyb Galay Xaflada 2020 Ardey Oo Ka Qalin Jabiyey Jaamacada Gollis +Sawiro

    Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici Iyo Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminaayey Ayaa Maanta ka qeyb galay 2020 ardey oo ka qalin jabiyey jaamacada gollis .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici Iyo Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminaayey Ayaa Maanta ka qeyb galay 2020 ardey oo ka qalin jabiyey jaamacada gollis .

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici Iyo Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminaayey Ayaa Maanta ka qeyb galay 2020 ardey oo ka qalin jabiyey jaamacada gollis .

Xafladan oo ka qabsoontey hotel Maansoor ee magaalada hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay xildhibaano , wasiiro , gudoomiyaha xisbiga Ucid , Xaaji Cabdi Waraabe , Masuulyiin kala Duwan iyo Waalidka ardeyda maanta qalin jabineysa .

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley dhamaan hor joogaysha kuliyadaha ay bixiso jaamacada gollis waxaana ay ka war bixiyeen qaabka ay waxbarshada u bixiyaan waaana uu hor jooge kastaa u halkaasi ka akhriyey magacyada iyo tiradada ka qalin jabisay kuliyadiisa

Gobo gabadii waxaa madasha hadalo kooban ka yidhi gudoomiiyaha jaamacada gollis Dr.Siciid Waxaa uu sheegay in ardeyda maanta ka qalin jabineysa jaamacada gollis tiradoodu dhan tahay 2020 ardey oo ka qalin jabiyey kuliyadaha kala duwan ee ay bixiso jaamacadani isla markaana wax ka kala bartey laamaha kala duwan ee ay jaamacadu ku leedahay gobalada dalka

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi kalmado mahad naq ah ka yidhi madaxweyne ku xigeenka somliland cabdiraxmaan cabdilaahi ismaciil saylici waxaana uu sheegay in uu aad ugu mahad naqaayo walidintii gacan ku so hayey ardeydan maanta qalin jabisay isla markaana uu u hanbalyeynaayo ardeyda maanta dhameeyey qeyb ka mid ah waxbarshadii ay in muddo ah soo wadeen

Waxaa uu madaxweyne ku xigeenku ardeyda kula dar daarmay in ay halkaasi ka sii wadaan dad daalka waxbarshaduna aaney aheyn mid halkaasi ku dhaamtay waxaana uu ilahay ugu bareyey in cilmiga ay barteen uu noqdo mid dadka iyo dalkaba anfaca



Contact@afkashacabka.com