War Deg Deg Ah:Madaxweyne Siilaanyo Oo Mudeeyey Wakhtiga Dalka Laga Qabanayo Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Wakiilada

0
Thursday September 10, 2015 - 15:10:48 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Madaxweyne Siilaanyo Oo Mudeeyey Wakhtiga Dalka Laga Qabanayo Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Wakiilada

    Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeri doono doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeri doono doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada somaliland.

Warsaxaafadeed goor dhaw ka soo baxay madaxtooyada somaliland ayaa lagu cadeeyey wakhtiga madaxweynuhu u qorsheeyey inay dalka ka dhacaan doorashooyinku, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu

digreeto madaxweyne oo summadeeduJSL/M/XERM/249-3569/092015kucadeeyey wakhtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeridoono Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada.

 

madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay: Qodobka90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:Qodobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Helay:Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Wakhtiga Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee 28/03/2017;

 

Markuu Arkay:Go'aanka Golaha Guurtida JSL ee lambarkiisu yahay GG/JSL/Go’aan Lambar 04/05/2015, kuna taariikhaysan 11/04/2015, ahna Go’aanka Muddo Kordhinta Xilka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida);

Markuu Arkay:Faqradda 3aad ee Qaraarka Fasiraadda ah ee Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay summadiisu tahay MS/DD/02/2015 kuna taariikhaysan 18/08/2015;

Markuu Ku Qancay:In baahi loo qabo isla markaana ay lagama maarmaan u tahay hannanka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimoxilliga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray;

 

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu markay tahay28/03/2017ay noqoto maalin doorasho oo ay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada JSL


Contact@afkashacabka.com