Madaxweyne kuxigenka Somaliland iyo madaxda jamacadda Gollis oo shahaado sharaf ku maamustay Xildhiban Mubarik Bidhi oo ka tirsan Golaha Deganka Burco+SAWIRO

0
Thursday September 10, 2015 - 23:50:33 in by salman abdi
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne kuxigenka Somaliland iyo madaxda jamacadda Gollis oo shahaado sharaf ku maamustay Xildhiban Mubarik Bidhi oo ka tirsan Golaha Deganka Burco+SAWIRO

    Xildhibaanka ayaa la sheegay inu yahay shakhsiyad ku suntan Horumarka Gobolka uu xildhibaanka u yahay ee Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanka ayaa la sheegay inu yahay shakhsiyad ku suntan Horumarka Gobolka uu xildhibaanka u yahay ee Burco


Jaamacadda Golis ayaa maanta Shahaado sharaf Qiimaheedu sarreyo Guddoonsiisay Shakhsiyaad Wax u qabashada Bulshada iyo Horumarka Dalka si weyn uga Dhex muuqday Shakhsiyaadkaas waxa ka mid ahaa Xildhibaan MubarikYusuf Cilmi Bidhi oo ka mida Golaha Degaanka Burco kuna suntan Horumarinta Bulshada iyo wax u qabashada dadka jilicsan, isagoo ah shakhsiga markii u horeyey Magaalada Burco ka yagleelay xarun laga daryeelo darbijiifta Burco.

Xildhibaan Mubarik Yusuf Cilmi Bidhi oo uu shahaado sharaftaasi guddonsiiyey Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa munaasibad ay ku qalinjebinayeen in ka badan 1000 Kun Arday looguna dabaaldegayey sannadguuradii 10aad ee aasaaska jaamacadaha Gollis lagaga sheegay inu yahay shakhsiyad kusuntan Horumarka Gobolka uu xildhibaanka u yahay ee Burco, isla maarkaasna uu ka mid yahay taageerayaasha ugu waaweyn ee dhalinyarada ku taageera hawlaha ay qabanayaan iyo horuarka kale ee gobolka ba.

Xildhiban Mubarik Bidhi ayaa aad looga ammaanay munasibadaasi, waxana madaxdii jamacadda gollis ee shahaado sharafta guddoonsiiyeen sheegeen inu yahay shakhsi u qalma shahaado sharaftan iyo wax ka qiimo badan ba, si loogu dhiirigeliyo loogana mahadceliyo dedaalkiisa iyo juhdiga uu geliyo danaha Bulshada.

Xildhibaanka oo markii uu xafladda soo galay ay sacab weyn ku soo dhoweeyeen ardaydii jaamacadda Gollis faraceeda Burco oo safafka ugu horeeyey fadhiyey ayaa noqonaya xildhibaankii ugu saamaynta badnaa dhinac walba xildhibaanada golaha degaanka isagoo shacabkiisa isku baray dedaalkisa iyo sida uu wax ugu qabto danyarta iyo dadka jilicsan, isla markaasna mar walba ugu ololeeyo danaha dhalinyarada.

Xildhibaan Mubarik Bidhi ayaa gebogabadii qaar kamida warbaahinta u sheegay inu uga mahadcelinayo jamacadda Gollis shahado sharafta ay ku maamuuseen, isla markaasna uu u qaadanayo dhiirigelin iyo ka sii badi uun inay tahay, sidoo kalena uu sii wadi doono dedaalada horumarka iyo u adeegida bulshada jilicsan ee nugulka ah.