Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay Warar Ku Saabsan In Daacish Dagaal yahanno Ka Qorato Gudaha Puntland

0
Friday September 11, 2015 - 12:54:51 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay Warar Ku Saabsan In Daacish Dagaal yahanno Ka Qorato Gudaha Puntland

    Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay Warar Ku Saabsan In Daacish Dagaal yahanno Ka Qorato Gudaha Puntland Maamul goboleedka Puntland ayaa si adag u beeniyay warar ku saabsan in Kooxda Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq ka dagaalantaa ka qorato ciidamo gudaha m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay Warar Ku Saabsan In Daacish Dagaal yahanno Ka Qorato Gudaha Puntland Maamul goboleedka Puntland ayaa si adag u beeniyay warar ku saabsan in Kooxda Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq ka dagaalantaa ka qorato ciidamo gudaha maamulkaasi.

Wasiirka waraafinta Maamulkaas ayaa war aan sal lahayn ku tilmaamay xogoha soo baxay ee ku saabsan in wakiillo daacish ahi gudaha maamulkaasi uga qoraan Dagaal yahanno dhalinyarada Puntland ah oo loo tahriibiyo meelaha Daacish ku sugan tahay.

Warar saxaafadda qaar ku soo baxay dhawaan ayaa sheegay in la la’yahay 40 dhalinyaro ah oo da’dooda lagu qiyaasay 18, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay Daacish ku biirayaan, islamarkaana ay tahriibiyeen dad gudaha Puntland ku sugan.

Haweenay lagu magacaabo Hodan Aadan Cismaan oo 37 jir ah, ayaa mareegta Hiiraan Online u sheegtay inay wayday wiilkeeda oo ku sii jeeday goob waxbarasho, balse uu markii dambe telefoonka kala soo hadlay isagoo ku sii jeeda Daacish, siday hadalka u dhigtay.

 

"Maamulayaasha Puntland waanu ku war-gelinay (Afduubka), waxaanan filayaa in Wiilkayga Jibriil Xaamud Maskaxda laga beddelay. Wiilkaygu wuxuu igala soo hadlay Telefoonka, waxaanu ii sheegay inaanu lahayn kala doorasho (inuu soo noqdo iyo in kale),” ayay tidhi haweenaydani.

 

"Tahriibtu dunida oo dhan bay ka jirtaa, waanay jiri doontaa laakiin, Puntland siyaasad cad ayay ka leedahay tahriibta oo ciidankii badda ayaa jooga, waxaanu leenahay Puntland waa meelaha ugu yar ee tahriibi ka dhici karto, iyadoo markii hore ahaan jirtay waddo halaq mareen ah laakiin intii isbedelka siyaasadeed ka dhacay ilaa 2014-kii lambarkii ugu yaraa ayay noqotay tahriibtu manaydaan maqal wax doonyo ah oo ku dhacay,” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo BBC-da arrintan uga waramay.

Contact@afkashacabka.com