Shaqaalaha Madaarka Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta, Oo Qabtay Diyaarad Siday Masas Nool oo ah Kuwa Ugu Khatarsan,

0
Friday September 11, 2015 - 13:05:18 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalaha Madaarka Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta, Oo Qabtay Diyaarad Siday Masas Nool oo ah Kuwa Ugu Khatarsan,

    Shaqaalaha madaarka magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa qabtay diyaarad sida masas nool oo ah kuwa ugu khatarsan, uguna suntan xun dunida, sida uu baahiyey wargeyska 7 Days ee ka soo baxa Imaraadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalaha madaarka magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa qabtay diyaarad sida masas nool oo ah kuwa ugu khatarsan, uguna suntan xun dunida, sida uu baahiyey wargeyska 7 Days ee ka soo baxa Imaraadka.

Masaskan oo ah nooca Afrika laga helo oo lagu sheegay inay ka mid yihiin nooca ugu khatarta badan caalamka, ayaa laga dhex helay diyaaradda, iyagoo lagu riday meel lagu ilaaliyo waxyaabaha khatarta ah waqti baadhitaan ay ku guda jireen shaqaalaha madaarku.

 

Saraakiil caafimaadka dadweynaha madaarka ka hawlgala, ayaa wargeyska u sheegay in masaskan laga helay iyagoo ku jira alaab diyaaradda saarnaynd.

"Masaskan waxa laga helay iyagoo alaab ku dhex jira, nasiib baannu leenahay in aannu helno, waa kuwo sun aad ah leh, khatarna ah, haddii anaannu heli lahayn waxa laga yaabaa in ay dad dili lahaayeen,” ayuu yidhi Ruba Zayed Taha oo ka mid ah saraakiisha baadhitaanka samaysay.

Sida warbixintu xustay masaskan waxa laga helay meelo kala duwan oo Afrika ah, waxaanay sababaan dhimashada dad aad u tiro badan, gaar ahaan qanniinyadooda kaliya lagama badbaado, laakiin Dr. Reza Khan oo aad ugu takhasustay xayawaanka, kana hawlgasha Xarunta Xayawaanka ee Dubay waxay xaqiijiysay in ay sababaan dhibaato aad u xun masaska noocan ah.

"Haddii ay qanniinaan wax, waxa ay sababaan waa dhimasho, maadaama anaannu hayn daawada lagaga hortagayey suntooda, caalamkana lagama helo,” ayey dhakhtaradu u sheegtay Warbaahinta 

Cilmi-baadhis dib loo eegay waxa ay muujisay in ay tahay markii ugu horraysay ee masaska noocan ah laga helay diyaarad fadhiisata madaarka magaalada Dubay ee dalka Imaaraadka Carabta. 



Contact@afkashacabka.com