Madaxwaynaha Somaliland Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timi Marxuum Sheekh Axmed Nuux Odowaa .

0
Friday September 11, 2015 - 15:03:59 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliland Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timi Marxuum Sheekh Axmed Nuux Odowaa .

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shacabka somaliland ,qoyskii iyo qaraabadii uu ka dhashay ka tacsiyadeeyay geerida ku timi alle ha u naxariistee marxuum Dr.Cismaan Sheekh Axmed Nuux oo ku geeriyoday magalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shacabka somaliland ,qoyskii iyo qaraabadii uu ka dhashay ka tacsiyadeeyay geerida ku timi alle ha u naxariistee marxuum Dr.Cismaan Sheekh Axmed Nuux oo ku geeriyoday magalada hargaysa ,waxana sidaasi lagu sheegay dhambaal kooban oo ka soo baxay madaxtoyada oo u dhignaa sidan:-


"Madaxwayanah Somalialnd waxa uu tacsi u dirayaa, Dr. Cusmaan Sheekh Axmed Nuux, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Aabihii Marxuum Sheekh Axmed Nuur Odawaa oo maanta 11/09/2015 ku geeriyooday Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku, waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku tilmaamay oday taaariikh facweyn ku leh shacbiga iyo qarankaba kana soo shaqeeyey halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray isla markaana kaalin muuqata ka qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.
waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Contact@afkashacabka.com