Calanka Dawlada Falastiin Oo Markii Ugu Horeysay Laga Taagay Qaramada Midoobay.

0
Friday September 11, 2015 - 15:56:00 in by Burco Office
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calanka Dawlada Falastiin Oo Markii Ugu Horeysay Laga Taagay Qaramada Midoobay.

    New York(AFKA)Waxa markii ugu horeysay calanka dalka Falastiin laga taagay xarunta Qaramada Midoobay ,kadib markii ay cod u qaadeen wadamada ku jira Jimciyada Quruumaha ka Dhaxaysaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

New York(AFKA)Waxa markii ugu horeysay calanka dalka Falastiin laga taagay xarunta Qaramada Midoobay ,kadib markii ay cod u qaadeen wadamada ku jira Jimciyada Quruumaha ka Dhaxaysaa.


waxaa lagu meel mariyey cod aqlabiyada Codayntaasi ,iyada oo ay aad usoo dhoweeyeen dadaweynaha reer Falastiin,waxaanay dawlado tiro badani u codeeyeen in calankaasi la saaro xaruntaasi.
safiirka wadanka Falastiin u fadhiya Golaha Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey arrintaasi isaga oo sheegay inay tani marag cad u tahay sida caalamku u taageersan yahay qadiyada Falastiin,waxa iyaguna dhankooda aad usoo dhoweeyey dadka reer Falastiin.
dhanka kalena waxa arrintani micno la'aan ku tilmaamay safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya Israel,isaga oo sheegay in aanay tani waxba soo kordhinayn,waxaanu sheegay in dawlad Falastiin lee dahay la heli karo oo keliyaata marka la wada hadlo.
arrintan ayaa ah mid jid cusub u furi karta dadka dagaaladu ragaadiyeen ee reer Falastiin,kuwaas oo muddo dheer ku jira gacanta Yuhuuda