DAAWO Sawirada Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi Oo Lagu Maamuusay Shahaado Sharaf Uu Ku Mutaystay Doorka Waxqabadka Iyo Horumarka Gobol Togdheer.
Jaamacadda Golis ayaa maanta Shahaado sharaf Qiimaheedu sarreyo Guddoonsiisay Shakhsiyaad Wax u qabashada Bulshada iyo Horumarka Dalka si weyn uga Dhex muuqday Shakhsiyaadkaas waxa ka mid ahaa Xildhibaan MubarikYusuf Cilmi Bidhi oo ka mida Golaha Degaanka Burco kuna suntan Horumarinta Bulshada iyo wax u qabashada dadka jilicsan, isagoo ah Xildhibaan inta badan u dhaq dhaqaaqa horumarka Gobolka Togdheer islamarkaana ku suntan wax qabad badan oo Gobolka Togdheer iyo deegamadiisa ka hir galay.
Xildhiban Mubarik Bidhi ayaa aad looga ammaanay munasibadaasi, waxana madaxdii jamacadda gollis ee shahaado sharafta guddoonsiiyeen sheegeen inu yahay shakhsi u qalma shahaado sharaftan iyo wax ka qiimo badan ba, si loogu dhiirigeliyo loogana mahadceliyo dedaalkiisa iyo juhdiga uu geliyo danaha Bulshada iyo hurmarka Gobolka uu kasoo jeedo oo mudadii uu joogay uu wax badan ka bedelay, Xildhibaanku wuxuu dhawaan aasaasay islamarkaana rukunada u taagay Xarun lagu daryeelo derbi jiifka Burco, taasi oo hore ay ugu amaantay Marwada qaranku kaalinta uu ka geystay Xaruntaasi ilaa hadana uu gacanta ku hayo.
Xildhibaanka oo markii uu xafladda soo galay ay sacab ku soo dhoweeyeen ardaydii jaamacadda Gollis faraceeda Burco oo safafka ugu horeeyey fadhiyey ayaa noqonaya xildhibaankii ugu saamaynta badnaa dhinac walba xildhibaanada golaha degaanka isagoo shacabkiisa isku baray dedaalkisa iyo sida uu wax ugu qabto danyarta iyo dadka jilicsan, isla markaasna mar walba ugu ololeeyo danaha dhalinyarada.
Xildhibaan Mubarik Bidhi ayaa gebogabadii qaar kamida warbaahinta u sheegay inu uga mahadcelinayo jamacadda Gollis shahado sharafta ay ku maamuuseen, isla markaasna uu u qaadanayo dhiirigelin iyo ka sii badi uun inay tahay, sidoo kalena uu sii wadi doono dedaalada horumarka iyo u adeegida bulshada jilicsan ee nugulka ah.
DAAWO Sawirada Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi Oo Lagu Maamuusay Shahaado Sharaf Uu Ku Mutaystay Doorka Waxqabadka Iyo Horumarka Gobol Togdheer.
Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi Oo Lagu Maamuusay Shahaado Sharaf Uu Ku Mutaystay Doorka Waxqabadka Iyo Horumarka Gobol Togdheer. Wuxuu noqday Xildhibaanka keliya ee ugu sumcada iyo saamynta badan golayaasha deegaanka Dalka oo dhan .Xildhibaan