Dowladda Mareykanka oo Shaacisay inay Qaabili doonto Toban Kun oo Qoxooti Suuriyaana ah

0
Friday September 11, 2015 - 17:35:47 in by Burco Office
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka oo Shaacisay inay Qaabili doonto Toban Kun oo Qoxooti Suuriyaana ah

    Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa sheegay in Mareyknaka uu isku diyaarinayo inuu sannadka soo socda qaabilo ugu yaraan 10,000 oo Qoxooti Suuriyaan ah qaabilo, sidTiradan ayaa aad uga badan 1,500 oo Qof oo Suuriyaan ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa sheegay in Mareyknaka uu isku diyaarinayo inuu sannadka soo socda qaabilo ugu yaraan 10,000 oo Qoxooti Suuriyaan ah qaabilo, sidTiradan ayaa aad uga badan 1,500 oo Qof oo Suuriyaan ah

oo dib u dejin loogu sameeyay dalka Mareykanka tan iyo markii ay billowdeen Colaadda dalkaas ka Aloosan oo Sannado Socda.

Cadadka Mareykanku ku dhawaaqay inuu ka qaabilayo Qoxootiga Suuriya ee ah 10,000 ayaa aad uga yar 340,000 ee Qoxootiga ah ee gaartay Qaaradda Yurub Sannadkan 2015-ka oo keliya.

Xukuumadda Washington ayaa tan iyo Markii ay Colaaduhu ka Qarxeen Suuriya waxay dalkaas kaalmo ahaa u siisay 4-bilyan oo Doollarka Mareykanka ah oo u dhiganta £2.6 bilyan oo Giniga Britain ah.

"Sare u Qaadidda Qoxootiga la Qaabilayo waxay muujinaysaa Muhiimadda ay Arrintan leedahay iyo sida ay Mareykanka uga go’an tahay inuu aqbalo inay dadka ku nool goobaha Colaaduhu ka jiraan ay helaan Waxyaabaha ay u baahan yihiin,” ayuu sheegay Xoghyaha Warfaafinta ee Aqalka Cad ee Mareykanka, Josh Earnest.

Earnest ayaa intaas raaciyay in Congress-ka Mareykanka ay tahay in uu sameeyo Ballan-qaad dhaqaale oo wax ku ool ah; si loogu ogolaado 10,000 oo Qaxooti ah oo dheeraad ah in keeno Mareykanka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel ayaa sheegtay in wadankeeda uu diyaar yahay inuu Qaabilo 800,000 oo Qoxooti Suuriyaana ah, iyagoo illaa hadda uu Jarmalku Qaabilay ku dhawaad 450,000 oo Qoxooti ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron ayaa isna sheegay in Britain ay Qaabili doonto 20,000 oo Qoxooti Suuriyaana ah, iyadoo tani ay ka Markhaati Kacayso in Qul-qulka Qoxootiga Suuriya uu Xad-dhaaf noqday.


a uu Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka uu shaaciyay.