Ciidamo kala Taabacsan Ahlusunna & Maamulka Galmudug oo isku Hor-fadhiya Mareer-gur

0
Friday September 11, 2015 - 17:41:03 in by Burco Office
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo kala Taabacsan Ahlusunna & Maamulka Galmudug oo isku Hor-fadhiya Mareer-gur

    Ciidammo ka kala tirsan kuwa Ahlusunna iyo kuwa Galmudug ayaa isku hor-fadhiya deegaanka Mareer-gur oo ka tirsan Gobolka Galguduud, iyadoo laga baqdin qabo inay iska-horimaadyo halkaas ku dhexmaraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidammo ka kala tirsan kuwa Ahlusunna iyo kuwa Galmudug ayaa isku hor-fadhiya deegaanka Mareer-gur oo ka tirsan Gobolka Galguduud, iyadoo laga baqdin qabo inay iska-horimaadyo halkaas ku dhexmaraan.


Wararka ayaa sheegaya in ciidammo fara badan oo kuwa Ahlusunna ah halkaas ay gaareen, halka kuwa Galmudug ay iyaguna ciidammo badan soo dhoobeen deegaan lagu magacaabo Carro-tuurka oo ku yaalla duleedka Mareer-gur.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Mareer-gur ayaa sheegay in cabsi badan ay ka jirto deegaanka, sidoo kalena ay shacabku billaabeen inay ka barakacayaan; iyagoo ka baqdin qaba inay lagu dul-dagaalmo.

"Shacabku waxay billaabeen inay deegaanka ka barakacayaan oo ay meelaha ka baxsan deegaanka ay deggenaa, saaka oo dhan ayayna ka barakacyeen, iyagoo xiisado xooggan ay ka jiraan deegaankooda,” ayuu yiri C/salaam Xasan oo ka mid ah shacabka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay.

Maamullada Ahlusunna iyo Galmudug ayaan weli ka hadlin xiisadda u dhexeysa ee ka taagan deegaanka Maraar-gur oo u dhexeeya degmooyinka Cadaado iyo Dhuuso-mareeb, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in labadaan degmo laga dareemayo xiisadaha colaadeed ee Gobolka Galguduud ka taagan.

Xiisaddan colaadeed ayaa daba-socota dagaallo toddobakan ciidanka Ahlusunna iyo kuwa Galmudug ku dhexmaray Degmada Caabud-waaq, taasoo sababatay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo labada dhinac iyo shacabkaba soo kala gaartay.