Madaxweynaha Puntland oo u Tagay Kismaayo ka Qayb-galka Caleemo-saarka Axmed Madoobe

0
Friday September 11, 2015 - 17:43:02 in by Burco Office
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo u Tagay Kismaayo ka Qayb-galka Caleemo-saarka Axmed Madoobe

    Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo Gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo Gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose. Madaxweeynaha ayaa waxaa wehlinayay wasiirro iyo qaar kamid ah isimada Puntland, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha madaxweeynaha Jubbaland, xubno ka tirsan goleyaasha wasiirada iyo baarlamanka, odoyaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Kismaayo.
Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa siweyn loo adkeeyay kahor intii uusan iman wafdiga, waxaana ciidamo si gaar ah u tababaran la dhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, kuwaasoo xaqijinayay ammaanka magaalada.
Wafdiga ayaa loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Jubbaland, halkaasoo ay saxaafadda kula hadleen labada madaxweeyne.
Madaxweeynaha Jubbaland ayaa ka mahadceliyay imaatinka dhigiisa Puntland, isagoo sheegay in wafdiga ka yimid Puntland uu yahay kii ugu horeeyay ee u yimaada ka qeybgalka xafladda caleemosaarka.

Madaxweeynaha Puntland ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Kismaayo, isagoo sheegay in ujeedka imaatinkoodu yahay in ay ka qeybqaatan xafladda maalinta berito ah ka dhici doonta Kismaayo ee la doonayo in lagu caleemosaaro Madaxweeynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe.