Daawo:Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Wiish Kuwa Dhismaha Ah Oo Ku Soo Go'ay Masjidka Barakaysan Ee Magaalada Makkah Ee Saudi Arabia +Akhri

0
Friday September 11, 2015 - 21:30:41 in by salman abdi
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Wiish Kuwa Dhismaha Ah Oo Ku Soo Go'ay Masjidka Barakaysan Ee Magaalada Makkah Ee Saudi Arabia +Akhri

    Warar hordhac ah oo ka imanaya dalka Saudi Arabia, ayaa sheegaya in Ugu yaraan inta la ogyahay ay 65 qof ay ku dhinteen in ka badan 155 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen maanta, kaddib markii uu wiish ku soo go'ay dhismaha Masjidka barakaysan ee m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hordhac ah oo ka imanaya dalka Saudi Arabia, ayaa sheegaya in Ugu yaraan inta la ogyahay ay 65 qof ay ku dhinteen in ka badan 155 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen maanta, kaddib markii uu wiish ku soo go'ay dhismaha Masjidka barakaysan ee magaalada,Makkah, ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia.


Weli ma kala cada sida ay wax u dhaceen, balse muuqaalo laga helay dhismaha Masjidka oo dhisme ka sicday ayaa muujinaya qeyb ka mid ah wiish weyn oo cas oo kuwa dhismaha loo isticmaalo ah oo ku soo dhacay saqafka Masjidka.
Waxa soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dhicista wiishka ay sababtay dabayl xoog leh, waxaana socda gurmad lagusamata bixinayo dhibanayaasha ay masiibadani ku habsatay, welina ma kala cada dadkan dhintay waxa ay kala yihiin

Shilkan ayaa yimi xilli ay magaalada barakaysan ee Mecca, uu ka socday diyaargarow weyn oo ku wajahan dadka Muslimiinta ah ee sannadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka, iyada oo la filayo in boqolaal iyo kumanaan muslimiin ah oo ka kala yimi caalamul Islaam ay soo gaadhaan dalka Boqortooyada Saudi Arabia.

Sebastian Usher, oo ka tirsan idacada BBC-da oo falanqeeya arrimaha carabta , ayaa sheehay in dhismaha lagu balaadhinayo dhismaha Masjidkani ay socotay muddo dheer.

Contact@afkashacabka.com