Warkii U Danbeeyey Ee Maka Al Mukarama In Ka Badan 107 qof oo ku dhimatay wiish ku soo dumay Masaajidka Xaramka ee Magaalada Makka iyo In Ka Badan 200 Oo Qof Oo Dhaawacu Marayo Iyo Somali Ku Jirta.

0
Saturday September 12, 2015 - 09:38:56 in by Hargeysa Office
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warkii U Danbeeyey Ee Maka Al Mukarama In Ka Badan 107 qof oo ku dhimatay wiish ku soo dumay Masaajidka Xaramka ee Magaalada Makka iyo In Ka Badan 200 Oo Qof Oo Dhaawacu Marayo Iyo Somali Ku Jirta.

    Warkii U Danbeeyey Ee Maka Al Mukarama In Ka Badan 107 qof oo ku dhimatay wiish ku soo dumay Masaajidka Xaramka ee Magaalada Makka iyo In Ka Badan 200 Oo Qof Oo Dhaawacu Marayo Iyo Somali Ku Jirta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warkii U Danbeeyey Ee Maka Al Mukarama In Ka Badan 107 qof oo ku dhimatay wiish ku soo dumay Masaajidka Xaramka ee Magaalada Makka iyo In Ka Badan 200 Oo Qof Oo Dhaawacu Marayo Iyo Somali Ku Jirta. Jeddah:(BNA)Wiish weyn, ayaa  ku soo dumay Masaajidka Xaramka ee Magaalada barakaysan ee Makka, iyadoo ay ku dhimatay 65 qof, halka 154 kalana ay ku dhaawacantay, sida ay sheegeen Saraakiisha Sacuudiga. Tani, ayaa ka dambeysay roobab xoogan oo ka da'ay Magaalada Makka, isla-markaana uu danab ku soo dhacay wiish ka mid ah wiishash dhisme ka waday Masaajidka Xaramka.Wiishkan, ayaa ku taagnaa dhismaha ku yaala inta u dhaxeyso Safa iyo Marwa, birihii wiishka oo go’; ayaa ku soo daatay dad markaasi ku tukanaayay barxadda Maqaamu Ibraahiim.Gaadiidka gurmadka deg-degga oo gaaray halkaasi, ayaa looga daad gureeyay dadkii ku dhintay, kuna dhaawacmay burburka wiishka. Dadka dhaawacmay oo dhaawacyo kala duwan qaba, ayaa la dhigay goobaha caafimaadka.
Shilkan, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo laba toddobaad ay ka harsan tahay xilligii Xajka.
 Mallaayiin Muslimiin ah oo dalalka caalamka isaga kala imaanaaya, ayaa ku qul qulaaya dalka Sacuudiga.Roobka galabta ka da,ay Magaalada Makka oo dabeylo iyo onkod watay, ayaa waxaa lagu sheegayinuu yahay kii ugu xooganaa oo ka da,a Magaaladaasi, tobankii sano ee la soo dhaafay.