War Deg Deg Ah: Waxa Goor Dhawayd Diyarad Usaaarnaa Ku Geeriyooday Wasiirka arimaha gudaha Dalka Uganda

0
Sunday September 13, 2015 - 22:13:25 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Waxa Goor Dhawayd Diyarad Usaaarnaa Ku Geeriyooday Wasiirka arimaha gudaha Dalka Uganda

    Magaalada Kambala ee xarunta Dalka Uganda wararka ka imaanaya ayaa sheegaya inuu geeriyooday wasiirka arimaha gudaha dalkaasi xili uu saarnaa diyaarad.Wasiirka ayaa la sheegay inuu si lama filaan ah ugu dhex geeriyooday diyaarad xili uu ka soo laabta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kambala ee xarunta Dalka Uganda wararka ka imaanaya ayaa sheegaya inuu geeriyooday wasiirka arimaha gudaha dalkaasi xili uu saarnaa diyaarad.Wasiirka ayaa la sheegay inuu si lama filaan ah ugu dhex geeriyooday diyaarad xili uu ka soo laabtay socdaal uu ku tagay dalka Koonfurta Kuuriya. Dowlada Uganda ayaa xaqiijisay geerida wasiirka arimaha gudaha Burindi Jeneral Aronda kaasoo ahaa sarkaal milateri oo mudo ku soo dhexjiray howlaha ciidamada.

Ra’iisulwasaaraha Uganda oo ka hadlayay ayaa xusay meydka Wasiirka loo gudbiyay Magaalada Dubai ee xarunta Dalka Imaaraadka Carabta halkasoo lagu soo baari doono sababta geeridiisa keentay.

Wasirkaan waxaa la sheegaa inuu aad ugu dhawaa madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni isagoo ahaa garabkiisa midig.

 

jenralaakaan wuxuu ku soo jirey howlaha ciidamada in ka badan 15 sanadood iminkana waxay Uganda tuhusan tahay sababta uu u geeriyooday.

 

Sarkalkaan wuxuu Muqdisho ka howlgalay sanadkii 2011-kii markaasoo loo soo xilsaaray howlgalka Amisom ee shabaabka lagula dagaalamayay inkastoo dib dalkiisa loogu celiyay.



Contact@afkashacabka.com