Waa Kuwee Tabarayaasha Badali Doona Jose Mourinho Hadii Uu Ka Tago Shaqada Chelsea

0
Monday September 14, 2015 - 09:15:07 in by salman abdi
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuwee Tabarayaasha Badali Doona Jose Mourinho Hadii Uu Ka Tago Shaqada Chelsea

    Shaqada Jose Mourinho ee Chelsea ayaa loo cabsanayaa iyadoo macalinkaan reer Portugal uu 4-dhibcood kaliya kooxda usoo hoyay shantii kulan ee ay ciyaaartay horyaalka xagaagan iyadoo waliba ah kooxda difaacaneysa horyaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqada Jose Mourinho ee Chelsea ayaa loo cabsanayaa iyadoo macalinkaan reer Portugal uu 4-dhibcood kaliya kooxda usoo hoyay shantii kulan ee ay ciyaaartay horyaalka xagaagan iyadoo waliba ah kooxda difaacaneysa horyaalka.


Guuldaradii ugu dambeysay waxaa Mourinho dhabarka u saariyay kooxda Everton oo ku garaacday gegideeda Goodison Park kulan kusoo dhamaaday 3-1, Naismith ayaana sadexley dhaliyay isagoo daqiiqadii 8-aad badal kusoo galay markii uu dhaawacmay Muhammed Besic oo reer Bosnia ah.

Si kastaba waxaa lasoo calaameynayaa Shan Tababaare oo la filayo iney badalaan macalinkii hore Real Madrid, Inter Milan iyo Porto waxaana ku jira ninka ay aadka u xifaaltamaan ee Pep Guardiola.


Dhanka kale liiska waxaa kasoo muuqday macalinkii hore Blues Carlo Ancelotti kaas oo sanadii 2009-2010 u qaaday horyaalka Ingiriiska, wuxuuna sidoo kale Champions League u qaaday Real Madrid 2014.

1. Jurgen Klopp (Shaqo La’aan)

2. Pep Guardiola (Bayern Munich)

3. Carlo Ancelotti (Shaqo la’aan)

4. Diego Simeone (Atletico Madrid)

5. Joachim Low (Germany)