Sergio Ramos Oo Maanta Seegay Tababarkii Ay Real Madrid Iskugu Diyaarinaysay Kulanka Champions Leaque-ga ee Shakhtar Donetsk

0
Monday September 14, 2015 - 09:21:31 in by salman abdi
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sergio Ramos Oo Maanta Seegay Tababarkii Ay Real Madrid Iskugu Diyaarinaysay Kulanka Champions Leaque-ga ee Shakhtar Donetsk

    Difaaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Serigo Ramos ayaa maanta seegay tababarka kooxdiisa Real Madrid ee ay ugu diyaar garoobaysay kulanka ay talaadada la ciyaari doonto kooxdaShakhtar Donetsk kulankaas oo ah kulanka ugu horeeya ee ay Madrid xili ci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Difaaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Serigo Ramos ayaa maanta seegay tababarka kooxdiisa Real Madrid ee ay ugu diyaar garoobaysay kulanka ay talaadada la ciyaari doonto kooxdaShakhtar Donetsk kulankaas oo ah kulanka ugu horeeya ee ay Madrid xili ciyaareedkan cuusbSantiago Bernabéu ku ciyaari doono Champions leaque-ga heerkiisa Group-yada.

Kadib markii ay Real Madrid xalay si xun usoo xasuuqaday kooxda Espanyol oo ay 6:0 ku soo dardartay ayuu Benitez maanta dusha ka eegayay kooxdiisa oo qaadanaysa tababarkeedii ugu horeeyay ee ay ugu diyaar garoobayso kulankaShakhtar Donetsk ee Champions leaque-ga.34

Laakiin Sergio Ramos ayaan maanta tababarka ka soo qayb galin, wuxuuna James Rodriguez iyo Danilo oo dhaawac qaba jidh dhis kula samaynayay qolka jimicsiga eeValdebebas. Real Madrid ayaa website-keeda rasmiga ah ku sheegtay in aanu Ramos maanta ka qayb galin tababarka kooxdiisa laakiin sababta ayaan la shaacin.

Waxaa tababarkii maanta ka qayb galay da’yarta Madrid eeFebas iyo Ganfornina oo ka mid ah ciyaarotoyda Spain u dhalatay ee ay Madrid ku qasbantahay inay kooxdeeda ku haysto Champions Leaque. Koox kasta waxaa qasab ku ah inay haysto ciyaartoy Spain udhatay oo kooxda kowaad ka mid ah waxaa loo yaqaan ‘homegrown Players’.