Kooxda Taliban Oo Weerartay Xabsi Kuyaala Dalka Afghanistan Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

0
Monday September 14, 2015 - 14:20:35 in by Burco Office
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Taliban Oo Weerartay Xabsi Kuyaala Dalka Afghanistan Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

    Ururka Taliban ayaa waxa ay weerareen xabsi ku yaalla magaalada Ghazni ee bartamaha Afghanistan, iyagoo ugu yaraan dilay 4 boolis ah halkaasina ka sii daayay 350 maxaabiis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Taliban ayaa waxa ay weerareen xabsi ku yaalla magaalada Ghazni ee bartamaha Afghanistan, iyagoo ugu yaraan dilay 4 boolis ah halkaasina ka sii daayay 350 maxaabiis ah.

Kuxigeenka barasaabka gobolka Ghazni ayaa BBCda u sheegay in weerrarka uu dhacay saaka aroortii.

Maxamed Cali Axmadi ayaa sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay aad u nidaamsanaayeen ayna xirnaayeen darayska milateriga.

Mid ka mid ah kooxda weerarka soo qaadday ayaa isku qarxiyay albaabka xabsiga, taasi oo kooxda inteeda kale u suuragalisay in ay xoog ku galaan xabsiga.

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujaahid ayaa xaqiijiyay in kooxda ay weerarkaasi ka dambeysay.

Taliban iyo kuxigeenka barasaabkaba waxa ay xaqiijiyeen in saddex ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday la dilay.

Barasaab ku xigeenka ayaa sheegay in 7 askari oo boolis ah iyana ay dhaawacmeen.