Al-shabaab iyo AMISOM Oo Madaafiic isku weydaarsaday Duleedka Deegaanka Leego

0
Monday September 14, 2015 - 14:24:48 in by Burco Office
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab iyo AMISOM Oo Madaafiic isku weydaarsaday Duleedka Deegaanka Leego

    Xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidanka AMISOM ee ku sugan Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa madaafiic culus Saakay isku Weydaarsaday duleedka deegaankaas, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada DF Somalia ee ku sugan Leego.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidanka AMISOM ee ku sugan Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa madaafiic culus Saakay isku Weydaarsaday duleedka deegaankaas, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada DF Somalia ee ku sugan Leego.


Duqeymahan ayaa yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay Weerar Madaafiic ah ku qaadeen saldhig ay AMISOM ku leedahay deegaanka, kaasoo ay horay u weerareen. Inkastoo aan lasoo sheegin khasaare ka dhashay duqeynta.

Sarkaal ka tisran kuwa dowladda Somalia ee ku sugan Leego ayaa Warbaahinta u sheegay in muddo saacado ah ay socotay duqeyntan, isagoo xusay in mid ka mid ah madaafiicdii ay Al-shabaab ku weerartay saldhigga AMISOM gacanta lagu soo dhigay.

"Al-shabaab ayaa saakay madaafiic kusoo weeraray saldhiga AMISOM ee Leego, mana jiraan illaa hadda khasaare aan Aragnay… madaafiicduna waxay ahaayeen kuwo ay Al-shabaab horay uga Qaaddatay Saldhigyada AMISOM ay ku leedahay Leego iyo Jannaale, mid ka mid ah madaafiicdaasna gacanta ayaa lagu dhigay,” ayuu yiri C/qaadir C/raxmaan Cali Baraf oo ka mid ah saraakiisha Dowladda Somalia ee ku sugan Leego.

Sidoo kale, sarkaalka ayaa sheegay in madaafiicda ay soo tuureen Al-shabaab ay intooda badan ku dhaceen meelo cidlo ah, sidoo kalena shacabkii halkaas ku noolaa ay deegaanka Leego soo galeen markii ay madaafiicdu billaabatay.

"Howlgallo ay wadajir u sameeyeen ciidamada AMISOM iyo Dowladda Somalia ayay ku gubeen mid ka mid ah madaafiicda, sidoo kalena waxay gacanta ku soo dhigeen mid kale, Xoogagii Al-shabaabna way kala Firxadeen,” ayuu sarkaalku ku sheegay hadalkiisa.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli ka Hadlin Duqeynta la Sheegay inay Saakay ku Qaadeen Saldhigga AMISOM ee Leego, kaasoo ay Horay ay Weerar khasaare badan Geystay ugu qadeen bishii lasoo dhaafay, halkaasoo ay ku dileen in ka badan lixdan Askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM.

Sarakaalka u hadlay ciidamada dowladda ee ku sugan Leego ayaa sheegay in xaaladdu ay hadda tahay mid deggen, shacabkii kasoo cararay duleedka deegaanka Leegana ay dib ugu laabteen guryahoodii.

Ugu dambeyn, Weerarkan duqeynta ah ayaa kusoo beegmaya xilli Xarakada Al-shabaab ay Toddobaad ka hor weerar khasaare badan geystay ku Qaadday Saldhig AMISOM ay ku leedahay Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, Halkaasoo ay ku dileen tiro ka tirsan ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan.