Dowlada Jarmalka Oo Shaacisay Inay Hakinayso Qaabilaada Qaxootinga Ku Qul Qulaaya Dalkiisa.

0
Monday September 14, 2015 - 14:28:58 in by Burco Office
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Jarmalka Oo Shaacisay Inay Hakinayso Qaabilaada Qaxootinga Ku Qul Qulaaya Dalkiisa.

    Dowlada Jarmalka ayaa si kumeelgaadh Ah u joojisay Gaadiidka Tareenada Ee ka imanayay Dalka Deriska la ah Ee Austria iyadoo ay qaxootiga Weli ay ku soo qulqulayaan Dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Jarmalka ayaa si kumeelgaadh Ah u joojisay Gaadiidka Tareenada Ee ka imanayay Dalka Deriska la ah Ee Austria iyadoo ay qaxootiga Weli ay ku soo qulqulayaan Dalkaas.

Mas’uuliyiinta wadanka Austria ayaa xaqiijisay in howlihii tareenada isaga kala gooshayay dalka Austria iyo wadanka Jarmalka ay joogsan doonaan gelinka dambe Ee Isniinta maanta ah iyadoo aan la ogeyn xiliga ay dib u bilaaban doonaan tareenada.

Wasiirka Arrimaha Dibada Thomas de Maiziere ayaa sheegay in dalkiisa uu soo saaray in kontarool lagu sameeyo xadka uu la wadaago Austria si loo yareeyo tirada soo raadsanaysa qaxootinimada ee soo gaadhaysa dalka Jarmalka.

Inkabadan 13,000 oo raadinaya magangalyo ayaa gaadhay magaalada Munich sabtidii oo kaliya iyadoo gaadhay tirada dadka gaadhay dalka Jarmalka illaa iyo 450,000 oo ruux sanadkan kaliya.

Ururka caalamiga ah ee qaxootiga ayaa sheegay Jimcihii in tiro ka badan 430.000 oo ruux ay ka gudbeen badda Meditereenenka iyagoo galay qaarada yurub sanadkan oo kaliya, halka ay ku dhinteen 2,700 oo ruux intii ay wadada ku sii jireen.