Hay'ada Qaxootiga Dunida Oo Baaq U Soo Jeediya Wadamada Yurub

0
Monday September 14, 2015 - 14:59:58 in by Burco Office
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'ada Qaxootiga Dunida Oo Baaq U Soo Jeediya Wadamada Yurub

    Hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in waddamada Yurub ay si dhaqso ah u helaan xal buuxa oo ay uga jawaabaan qaxootiga imanaya. Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii waddamo dhowr ah ay sheegeen inay bilaabayaan ilaalinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in waddamada Yurub ay si dhaqso ah u helaan xal buuxa oo ay uga jawaabaan qaxootiga imanaya. Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii waddamo dhowr ah ay sheegeen inay bilaabayaan ilaalinta xuduuddahooda.


Waxay ku baaqday in la sameeyo xarumo lagu diiwaangaliyo waddamada ay qaxootiga imanayaan.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo Jarmalka, Austria, Czech Republic iyo Hungary ay adkeeyeen xuduuddooda.

Wasiirda arrimaha gudaha ee Yurub ayaa qabanaya shir deg deg ah oo looga hadlayo dhibaatada qaxootiga. Midowga Yurub ayaa kor u qaaday tirada qaxootiga ee ay doonayso waddamada Yurub inay qaybsadaan, oo ay ka dhigtay boqol iyo lixdan kun oo qof.