Markii uu kacdoonka shicibku uugu darnaa 'Masar' ee xiligii madaxweyne 'Mubaarak' ayaa ku-xigeenkiisii la odhan jirey 'Al-mushiir C/Xaliim Abu Qazaala' la weydiiyey: Maxaad u ridi weydey madaweynaha si hadalkuba u yaraado oo dalku u dego? Waxa uu 'Mushiirku' ku jawaabey:(Hadii aan sidaa yeeli lahaa, waxa furmi lahaa albaab aan xidhmi doonin).

0
Sunday February 02, 2014 - 21:41:53 in by Super Admin
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markii uu kacdoonka shicibku uugu darnaa 'Masar' ee xiligii madaxweyne 'Mubaarak' ayaa ku-xigeenkiisii la odhan jirey 'Al-mushiir C/Xaliim Abu Qazaala' la weydiiyey: Maxaad u ridi weydey madaweynaha si hadalkuba u yaraado oo dalku u dego? Waxa uu 'Mushiirku' ku jawaabey:(Hadii aan sidaa yeeli lahaa, waxa furmi lahaa albaab aan xidhmi doonin).

    Madaxweynihii uugu awoodda badnaa ee soo mara dalka Labnaan ee magaciisa la odhan jirey 'Sareeye Gaas Fu'aad Shihaab', ayaa markii uu dhameystey mudadii xilkiisa hadana dooney in uu Madaxweynihii uugu awoodda badnaa ee soo mara dalka L

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Madaxweynihii uugu awoodda badnaa ee soo mara dalka Labnaan ee magaciisa la odhan jirey 'Sareeye Gaas Fu'aad Shihaab', ayaa markii uu dhameystey mudadii xilkiisa hadana dooney in uu Madaxweynihii uugu awoodda badnaa ee soo mara dalka Labnaan ee magaciisa la odhan jirey 'Sareeye Gaas Fu'aad Shihaab', ayaa markii uu dhameystey mudadii xilkiisa hadana dooney in uu kordhisto, laakiin dib ayuu uuga noqdey fikradaa.
Markii la weydiiy sababta uu xilka u kordhisan waayeyna, waxa uu ku jawaabey: Waxaan dalka iyo dadka uuga baqey in aan albaabka u furo damaaciyiinta igu dayan doonta ee aan istaahilin.

Masar:
Madaxweyne mubaarik wuxuu dhamaan xilalkii uu hayey ka casiley ku-xigeenkiisii oo markii kacdoonka shicibku uugu adkaa diidey in uu madaxweyne Mubaarak ka qaado oo la odhan jirey Al- mushiir Abu Qazaala dibna uumuu magacaabin madaxweyne-ku-xigeen danbe mudadii uu xukunka haystey oo dhan marka laga reebo inyar ka hor intii aan shicibka Masar ridin ee aan jeelka lagu tuurin.

Dadka xilka u sareeya loo dhiibaa, gaar ahaan kuwa dunida saddexaad, waxa ku dhaca cudur u diida in ay naftooda ka adkaadaan.

Waxay xukunka qabtaan iyaga oo bashar caadiya ah, waxaana lumiya amaanta xad dhaafka ee loo tiriyo oo ay rumeystaan.

Waxa ay is odhanayaan dalka iyo dadku cid kale ma lahaa ee waligaa xukunka hay. Sidaa awgeed, ayey dawladuhu u mudeeyeen wakhtiga xilka madaxweynayaasha, si bilowga horeba uu madaxweynaha ka soo jeeda dalalka ku dhaqma dimoqiraadiyadu sida Somaliland ay u sii ogaadaan,
in 'Qasarku' leeyahey laba albaab, mid laga soo galo iyo mid laga baxo.

Lama ogaa waxa dhici lahaa hadii uu Al-Mushiir Abu- Qazaala uu xukunka ka ridi lahaa madaxweyne Mubaark, laakiin waxeynu ognahey in diidmadii uu diidey madaxweyne Fu'aad Shihaab in uu madaxnimada Labnaan cusbooneysto in aaney ka hor joogsan madaxweyne 'Amiil Laxuud' in uu kordhisto mudada xilka taas oo dalka Labnaan galisey qas ilaa iyo maanta taagan.

Nidaamkii madaxnimada ee carabta, waxa diley iska dhaxlidda xukunka iyo kaligii joogaha.
Hamiga madaxda carabtu labadaa ayuu ka dhexeeyaa oo dal iyo dad toona dan kama lahaa.
Hadii halgaamigii iyo mujaahidkii weynaa ee u dhashey dalka Tuunis ee la odhan jirey 'Xabiib Burqiiba' uu is yidhi shacibkaagu kaama maarmi karaan ee ha ka tagin bal waa maxay cilmiga iyo caqliga uu lahaa Bin- Cali iyo kuwa kale ee la midka ahi ee ay isku yidhaahdeen, ma jiro qof kuu dhigma oo xukumi kara dalka ee waligaa joog.

Bal daya hareeraha: Dhamaan masiibooyinka dalal badan haystaa waa isku mid waana: Ninka qudha ee u haysta in aan laga maarmi karin. Astaqfurulah.