Muj Cali Gurey oo Mar kale ka jawabay Waraysi uu Baashe m faarax siiyey wargeyska somalilandtoday

0
Tuesday September 15, 2015 - 07:50:04 in by salman abdi
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muj Cali Gurey oo Mar kale ka jawabay Waraysi uu Baashe m faarax siiyey wargeyska somalilandtoday

    Muj: Cali Yuusuf Axmed ( Cali Guray) ayaa jawaab ka bixiyay Waraysi uu Wargayska Somalilandtoday la yeeshay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muj: Cali Yuusuf Axmed ( Cali Guray) ayaa jawaab ka bixiyay Waraysi uu Wargayska Somalilandtoday la yeeshay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax.

Jawaabta uu Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID, Cali Guray uu kaga dareen celiyay hadaladaas wuxuu ku baahiyay bartuu ku leeyahay shabakadda Bulshadu ku kulanto ee Facebook-ga, wuxuuna qoraalkiisu u dhignaa isagoo dhammaystiran sidan.

”QOSOL MA U BANAAN YAHAY AFKUU QARIYO MOOYAANE? Nin baa yidhi”waar maanigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?”. Hadii miyir qabku yahay wixii aynu wada arkaynay ee Guddoomiye xigeenku ka sameeyay ama ka sameeba la yidhi Fadhigii Golaha Wakiilada, anniga ayaa waalan hadii kale isagaa waalan oo weliba ay waalidiisu tahay ta loo yaqaan WAALI-NACAS. Waxa lagu gartaa hadalkiisa ka madhan xikmadda oo waxa lagu sifeeyaa DHATAQLE yacnii hadalkiisa ayaa bilaa nuxur ah sida Baashe. Dhanka kale, Cali Guray ayaa ku sifeeyey Baashe in maskaxdiisa lala maamulo isagoo u soo qaatay Gabay uu tiriyey AHN Abwaan Marxuum Ibraahin Gadhle .

AHN eh Ibraahim Gadhle waxa laga hayaa: MASKAXDAADU YAY NOQON MAQAL LAGULA LEEYAHAY OO TOBAN MUFTAAX IYO MUSBAAR WALIBA UU FURO Qofka haduu hadlo kaskiisa hadla ee carabkiisa iyo calooshiisu is leeyihiin iyo ka maskaxdiisa cid kale wax ku shubato een kaskiisaba hadal, lakiin wixii dheh la yidhaana odhanaya wixii samee la yidhaana sameeynaya bal idinkuba qiyaasoo keeba waalan? Nebi Muxamed NNKH eh wuxu inoo sheegay ” INNA LIKULI SHAYI’N AALAH WA AALATUL BASHAR AL CAQIL” oo ah wax kastaa aalad buu leeyahay aaladda basharkuna waa caqliga. Hadaba caqligu wuxu ka mid yahay nimcooyinka Ilaahay inagu manaystay ee maalinta qiyaame uu ina waydiinayo ama inagala xisaabtamayo sida uu Quranka kariimka ah inoogu sheegay ” wa latusalunna yooma idin cani naciim” ayuu Muj Cali Guray, ku soo gebagabeeyay qoraalkiisan. -