Madaxweynekuxigenki Hore somaliland Axmed Yusuf Yasin muxuu ka yidhi Muranka Haamaha Shidaalka iyo dagaalki dhex maray shirgudonka wakiilada?

0
Tuesday September 15, 2015 - 08:10:38 in by salman abdi
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynekuxigenki Hore somaliland Axmed Yusuf Yasin muxuu ka yidhi Muranka Haamaha Shidaalka iyo dagaalki dhex maray shirgudonka wakiilada?

    Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md: Axmed Yusuf Yaasiin ayaa ka hadlay dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhex maray Guddomiyaha Golahaasi iyo ku xigeenkiisa koowaad ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md: Axmed Yusuf Yaasiin ayaa ka hadlay dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhex maray Guddomiyaha Golahaasi iyo ku xigeenkiisa koowaad ....

sido kalena waxa uu is barbar dhig ku sameeyay wareejinta haamaha shiidaalka ee cahdigii cigaal iyo wakhtigan ay xukuumadu wareejinayso ,waxanu sido kale u soo jeediyay Gudida anshaxa ee Golaha Wakiiladu inay talaabo ka qaadaan labada Guddomiye .

Axmed Yuusuf Yaasiin oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi "Waxa laysku qabtay waa haamo la kiraynayo ,qarar baa goluhu gaadhay Madaxwaynaha ayanay u gudbiyeen ,Madaxwaynaha way u cuntami wayday waxanu ku soo celiayay Golaha Wakiilada isagoo taas xaq u leh ,hadii ay mar labaad ku soo celiyaan waxa uu Madaxwaynuhu u gudbinayaa Maxkamada Sare ee dastuuriga ah ”
Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay Xukuumadu xaq u leedahay wareejinta haamaha balse ay heshiis dhinac kasta leh la gasho dadka hungurigu ka hayo haamaha "Xukuumadu xaq ayay u leedahay hantida umada way kirayn kartaa ,way iibin kartaa ,iyadoo raacaysa dastuurka markaa hadii la wareejinayo waa in dakhliga imika ka soo baxa mid kabadani ka soo bixi karo ,waa in amaanka haamaha ay yihiin qaar la adkeeyo ,waayo haamaheenu waxay jireen 50 sano hadii mid qaraxdo inta kaloo dhan way galaafanaysaa oo berbera iyo dakadaba way galaafanaysaa , markaa shuruudaha lala galayo dadka haamaha kiraysanaya lagu daraa amniga haamaha ,amnigoodu waa muhiim ,xitaa hadii aanay qarxinba dagaal baaba dhici kara ”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa is barbar dhig ku sameeyay wareejinta haamaha ee cahdiyada Silaanyo iyo Cigaal iyo waxay ku kala duwan yihiin waxanu yidhi "Anigu Cigaal waan ku khilaafay wareejinta haamaha waayo mudada uu la galay ayaa dheerayd marnaba maanan odhan madaxwaynuhu xaq uma leh iibinta iyo kiraynta hantida umada ,laakiin Cigaal aragtidiisu waxay ahayd in uu ku kiciyo warshada sibidhka ”.
Gabagabadii Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa u soo jeediyay Guddida anshaxa ee Golaha Wakiiladu inay Sharciga mariyaan labada Guddomiye ee dagaalamay "Arrintii ka dhacday golaha ,waa arin fool xun Goluhu wuxuu leeyahay guddi anshax guddidaasi waa in ay fadhiistaan oo qaraar ka soo saraan labada Guddomiye ee dagaalamay”ayuu yidhi Madaxwayne Xigeenkii hore ee Somalilnd