Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay dareenkiisa ku aadan dhisme uu u hirgaliyey ciidanka ilaalada Madaxtooyada‏

0
Thursday September 17, 2015 - 22:07:32 in by salman abdi
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay dareenkiisa ku aadan dhisme uu u hirgaliyey ciidanka ilaalada Madaxtooyada‏

    Wasiirka oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa facebook iyo bloggiisa gaarka ah ayaa yidhi sidan :

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa facebook iyo bloggiisa gaarka ah ayaa yidhi sidan :

"Dhismahan loo hirgaliyey Ciidanka Illaalada Madaxtooyadu wuxuu kor u qaadayaa hoyga iyo hanka halyeeyga u heelan qarankiisa”
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Munaasabad abaabulan oo maanta ka qabsoontay xarunta qasriga Madaxtooyada JSL ayaa ujeedadeedu ahayd furitaanka dhisme loo hirgaliyey ciidanka illaalada Madaxtooyada oo mudooyinkii u dambeeyey dhismahoodu socday.

Dhismahan ayaa hoy u noqon doona sarakiisha illaalada madaxtooyada sidoo kalena kor u qaadi doona hanka iyo niyada geesiyada marwalba u darban dalkan.

Maaha markii uugu horaysay ee talaabooyin horumarinaya ciidanka la qaado waxaase mudooyinkii u dambeeyey kor loo qaadayey tayyada, tirada iyo aqoonta ciidamada kala duwan ee dalka iyagoo wax badan laga qabtay dhan mushahaar iyo dhan saanadba.

Madaxtooyada Somaliland waa muraayada dalka waana waajib in aan bilic ahaan iyo ciidan ahaanba dhisno si ay u noqoto muraayad wanaagsan oo laga dheehdo qarankeena wanaagsan ee Somaliland

Wa Bilaahi Tawfiiq