Masuliyiinta Gobolka iyo Degmada Burco oo Hawlgal Culus ku soo Baabiiyey Dhul Daaqsimeed la deegamaynayey Go'aano Adag na ka soo saaray

0
Thursday September 17, 2015 - 22:13:10 in by salman abdi
  • Visits: 738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuliyiinta Gobolka iyo Degmada Burco oo Hawlgal Culus ku soo Baabiiyey Dhul Daaqsimeed la deegamaynayey Go'aano Adag na ka soo saaray

    Maamulka Gobolka iyo Degmada Burco ayaa si wada jira Hawlgal ay ku baabiinayeen Dhul Daaqsin ahaa oo laga Degaamanayey Deegano ku dhow Deegaanka Balliga Nasiye ugu baxay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka iyo Degmada Burco ayaa si wada jira Hawlgal ay ku baabiinayeen Dhul Daaqsin ahaa oo laga Degaamanayey Deegano ku dhow Deegaanka Balliga Nasiye ugu baxay,

halkaaso ay ku soo qabqabteen dadkii degaamaynayey ee buulasha ka dhisay kana qoday baraagaha si ay u sameeyeen deegaano cusub, dadkaas oo ay isku dhaceen dadka degaanka balliga nasiye oo iyagu ka biyo diiday degaamaynta dhulkaasi xooluhu daaqo ee dhul daaqsimeedka ahaa, waxaana isku dhacaasi ka dhashay degaamanta dhul daaqsimeedkaas soo afjaray masuliyiinta gobolka iyo degmada kuwaaso farriin adag u diray cid kasta oo isku dayda inay degaano cusub ka hirgeliso Gobolka Togdheer.

Dadweynaha deegamadaasi laga baabiiyey buulasha iyo baraagaha ayaa soo dhoweeyey hawlgalka ay dawladdu ka fulisay halkaas iyagoo xusay inay hawlgalada noocan ahi yaraynayaan isku dhaca iyo khilaafadka dhex marada dadka ood wadaagta ah ee had iyo jeer isku daya inay si gaar ah u deegameeyaan una xidhaan dhul daaqsimeed la wada lahaa.


By: Mustafe Teacher
Burco / Office
Contact@afkashacabka.com