Daawo: Dawladda hoose oo Hadhimo sharafeed Qado ah u samaysay Xulka Gobolka Togdheer iyo Dardaarankii Masuliyinta iyo Waxgaradka Gobolka

0
Thursday September 17, 2015 - 22:23:02 in by salman abdi
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Dawladda hoose oo Hadhimo sharafeed Qado ah u samaysay Xulka Gobolka Togdheer iyo Dardaarankii Masuliyinta iyo Waxgaradka Gobolka

    Masuliyiinta Gobolka iyo Degmada Burco ayaa ka qaybgalay Cayaar sxbtinimo iyo alaamiito loogu diyaar garoobayo koobka gobolada ooxulka Gobolka Togdheer loogu qabtay Garoonka Roogga ah ee Togdheer,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuliyiinta Gobolka iyo Degmada Burco ayaa ka qaybgalay Cayaar sxbtinimo iyo alaamiito loogu diyaar garoobayo koobka gobolada ooxulka Gobolka Togdheer loogu qabtay Garoonka Roogga ah ee Togdheer,


Kadib waxay maanta Qado sharaf ay ku dhiirigelinayeen kulana dardarmayeen ugu sameeyeen Hotel ABCO ee magaalada Burco, waxana kulankaasi qado sharafta ah ka hadlay Badhasabkuxigenka Togdher, Mayarka iyo kuxigenkiisa, Taliyaha Qaybta Booliska Togdher, Cuqaal, Odayaal iyo Waxgaradka Gobolka, Dhammaantood waxay ku waaniyeen Cayaartoyda inay Gobolka ka maydhaan wixii sannadkii hore ku ba’ay, iyagoo u ballanqaaday inay hiil iyo hoo ba isla barbar taagayaan.

Kadib Waxa qado sharaftaasi ka mahadceliyey madaxda wasaradda dhalinyarada iyo cayaraha gobolka togdheer iyo xubno ka mida xulka gobolka ee martiqaadka loo sameeyey, waxayna Dawladda Hoose ku ammaaneen dedaalka ay gelinayso sidii gobolku ugu soo noqon lahaa kaalintii ugu kaga jiray cayaaraha waxayna ballanqaadeen inaanay magac xumo gobolka u soo hoyn doonin guul mooyaane.

Mustafe Teacher
Burco / Office
COntact@afkashacabka.com