"Cirro Kuma Haysto Kursiga Laakiin ....." Bashe Maxamed Faarax

0
Thursday September 17, 2015 - 22:33:55 in by salman abdi
  • Visits: 1054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cirro Kuma Haysto Kursiga Laakiin ....." Bashe Maxamed Faarax

    Guddomiye kuxigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Md: Baashe Maxamed Faarax ayaa markii labaad ka hadlay sababta keentay in gacanta ay isu qaadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddomiye kuxigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Md: Baashe Maxamed Faarax ayaa markii labaad ka hadlay sababta keentay in gacanta ay isu qaadan

 isaga iyo Guddomiye Cirro ,waxanu sido ku celiyay awooda uu siiyay xeer hoosaadka golaha wakiilladu ,waxanu sidoo kale soo hadal qaday wadahadalka uu ku baaqay Cali khaliif iyo faragalinta dawlada Muqdisho ka wado deegaanka Buuhoodle .

Baashe Maxamed Faarax ayaa ugu horayn ka jawaabay in hunguri ka galay kursiga Guddomiyaha waxanu yidhi "Cirro kuma haysto Guddomiye nimada ,waa Guddomiyihii golaha laakiin waxanu isku haysanay waa qaabka saxdaa ha la mariyo (Xeerarka golaha ) ee wax kale ma jiraan ,aniguna ma ihi nin Guddomiye u buka waxan la sheegayana anigu Guddomiyenimada kuma qabsan laakiin waxanu nahay shirguddon isagaana Golaha Guddomiye u ah ”

Guddomiye baashe ayaa carabaaby ubucda khilaafka soo noqnoqda ee Shirgudonka Golaha Wakiilada waxanu yidhi ” Waxkale iskuma hayno Cirro laakiin wada tashi la’aan ayaa jirta inanu wad tashano oo uu noo sheego uu uu na yidhaahdo waxaas maxaynu ka yeelnaa waa wadatashi maxaanu isu dhinac fadhinaa hadaanan wada tashanayn laakiin colad iyo dhibato kale ma jirto ”
Baashe Maxamed Faarax ayaa shaaca ka qaady inay badalayaan xeer hoosaadka Golaha Wakiilladu haatan ku dhaqmo "Waanu badalaynaa xeer hoosaadka doodiisiibana la socota khilafkii horana xeer hoosaadkaa uun buu ka dhashay ”ayuu yidhi Guddomiye Baashe .
Guddomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada aya sido kale difaacay awooda uu siiyay xeer hoosaadka Golaha Wakiiladu waxanu yidhi ”Xeer hoosaadkaa ii fasaxay Waan doodi karaa ,waan hadli karaa ,minbarkana (Meesha khudbada) waan istaagi karaa anigu xaq baanan u leeyahy inaan doodo oo mikirifonka qabsado ”


Baashe Maxamed Farax ayaa dhanka kale soo dhaweeyay wadahadalka uu ku baaqay Cali khaliif galaydh ,waxanu sido kale gardaro cadaana ku tilmaaay xafiiska Somalia ka furatay Buuhoodle "Wadahadalka Cali khaliif ku baaqay waa soo dhawaynayanaa ,waligayaba waa raadinaynay ,wakhtiguunbaana keenay ,cali na waa nin oday ah Somaliland way donaysaa inay wada hadal la furto sido kale Wan ka xumahay Xafiiska somaliya ka furatay buuhoodle laakiin xukuumadaa inay ka hadsho weeye waana faragalin iyo gardaro cad ”ayuu yidhi Guddomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Golaha Wakiillada Md: Baashe Maxamed .