Daawo: Ciyaarihii Gobolada oo mar kale Dib u dhacay iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha oo ka hadlay sababta dib u dhaca

0
Thursday September 17, 2015 - 22:37:02 in by salman abdi
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Ciyaarihii Gobolada oo mar kale Dib u dhacay iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha oo ka hadlay sababta dib u dhaca

    Wasiirka wasaarada dhalinyarada,dhaqanka iyo ciyaaraha somaliland Axmed Cabdi Kaahin ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay dib u dhac ku yimid ciyaarihii gobolada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaarada dhalinyarada,dhaqanka iyo ciyaaraha somaliland Axmed Cabdi Kaahin ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay dib u dhac ku yimid ciyaarihii gobolada.


Wasiirka ciyaaraha oo shir jaraa,id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ugu waramayey warbaahinta dawlada ayaa ku sababeeyey dib u dhaca mar kale ku yimid ciyaaraha gobolada somaliland badhasaabadad gobolada Togdheer iyo Awdal oo ku maqan wadanka Ethiopia taas oo hoos u dhigtay diyaar garawga ay goboladaasi ugu jiraan marti gelinta wareega hore ee ciyaaraha gobolada dalka.
Wasiirka ciyaaraha ayaa sheegay in ciyaaraha gobolada ee dalka dib loogu dhigay ilaa 5/10/2015, taas oo uu faray goboladana inay u diyaar garoobaan, waxaanu wasiirku ka gaabsaday inuu ku ku dhawaaqo wakhtiga ay caasimada Hargeysa ka bilaabmayaan wareega labaad ee ciyaaruhu.
Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in dhaqaale la,aan soo food saartay wasaarada ciyaaruhu ay keentay dib u dhaca ku yimid ciyaaraha gobolada dalka, taas oo wasaarada maaliyadu ku war gelisay inaanay u hayn wax dhaqaale ah oo loogu tala galay in lagu qabto ciyaaraha gobolada ee dalka.
Waa markii labaad ee ay dib u dhacaan ciyaaraha gobolada dalku, iyada oo aanay hadana muuqan inay wakkhtigaas loo qoondeeyey ay ku qabsoomi doonaan.