Sport:Roberto Carlos Iska Ilaw Cristiano Ronaldo Ama Lionel Messi Waxaa Horyaalka Spain Ugu Fiican Neymar JR

0
Friday September 18, 2015 - 09:12:39 in by Hargeysa Office
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sport:Roberto Carlos Iska Ilaw Cristiano Ronaldo Ama Lionel Messi Waxaa Horyaalka Spain Ugu Fiican Neymar JR

    Roberto Carlos: Iska Ilaw Cristiano Ronaldo Ama Lionel Messi Waxaa Horyaalka Spain Ugu Fiican Neymar JR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roberto Carlos: Iska Ilaw Cristiano Ronaldo Ama Lionel Messi Waxaa Horyaalka Spain Ugu Fiican Neymar JR

Xidigii hore ee xulka qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Roberto Carlos oo la waydiiyay xidiga ugu fiican horyaalka Spain ee La Ligaha ayaa tilmaamay in Neymar JR uu yahay xidiga Spain ugu fiican.Carlos ayaa sheegay in dadku ay wax badan ka hadlaan Messi ama Ronaldo balse ay isaga la tahay in Neymar uu yahay xidiga ugu fiican La Ligaha.neymar

Roberto Carlos ayaa yidhi: "Dadku waxa ay markasta ka hadlaan wax isku mid ah oo ah Messi iyo Ronaldo, laakiin aniga ahaan xidiga La Ligaha ugu fiicani waa Neymar. Neymar-ka Barcelona ayaa wax badan qabta marka la barbar dhigo Neymar-ka Brazil, sababtoo ah kooxda ayaa ka hormarsan”.

Roberto Carlos ayaa ka hadlay xaflad isaga oo Luis Figo lagu soo bandhigay inay noqon doonaan wakiilada horyaalka Spain ee La Ligaha.Figo ayaa isagana la waydiiyay xidiga ku guulaysan doono Ballan d’Orka wuxuuna sheegay in ayna waxba ka duwanaan doonin sidii ay sanadihii hore ahayd isla markaana ay udhexayn doonto Messi iyo Ronaldo.