"Maayar la'aan Baa Burco ka jira, Dhaqaalaha wax loogu qabanayo Degmadana Waxa lunsada maayarka iyo kuxigenkiisa" Xildhiban Cabdilaki Xasan nur

0
Friday September 18, 2015 - 14:29:50 in by salman abdi
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maayar la'aan Baa Burco ka jira, Dhaqaalaha wax loogu qabanayo Degmadana Waxa lunsada maayarka iyo kuxigenkiisa" Xildhiban Cabdilaki Xasan nur

    Qoraal uu Xildhibanku soo geliya barta uu ku leyahay Facebookga isla markaasna qaar ka mida warbaahinta u qaybiyey ayaa u dhignaa sidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal uu Xildhibanku soo geliya barta uu ku leyahay Facebookga isla markaasna qaar ka mida warbaahinta u qaybiyey ayaa u dhignaa sidan anigoo katirsan Xildhibaanadda Golah deegaanka degmada Burco ee Gobolka Togdheer Ayaa Waxaan Qiraya In Gobolka togdheer Ay Ka Jirto Maayir la’aan , Waxaana Sheegay In Wax Kasta Oo Wax Loogu Qabanaayo Gobolka Togdheer Oo Goluhu Ansixiyo Ay Leexsadaan Ama Lunsadaan Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisa. Waxaan Uu Xildhibaanku Carabaabay In Maanta Magaallada Burco Ay Haysato Maayir Xumadii Abid Ugu Xumay Ee Soo Mara Gobolka Togdheer, Isagoo Sheegay In Golaha Ahaan Ay Diyaar Uu Yihiin wax Kasta Oo Gobolka Togdheer Lagu Horumarinaayo Balse Uu Farta Ku Fiiqay In Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisu Ayna Diyaar Uu Ahayn In wax Horu Mar Ah Laga Sameeyo Gobolka Taa Bedelkeedana Ay Mar walba Jeclaystaan In Ay Fadhiga Ku Cunaan Lacagta Laga Soo Qaado hooyada Suuqa Tamadhada Ku Iibisa . Dhanka Ka Kale Waxa Uu Xildhibaanu Sheegay In Maayirkii Iibiyay Garoon Lagu Ciyaaro Kubbada Gacanta Kana Qaatay Qadar Lacag Oo Dhan Malyan Iyo Afar Iyo Labataan Kun Oo Dollor Waxaanu Xildhibaanku Sheegay In 300 Oo Kun Oo Dollor Oo Haayada Wadad Contrac Lagula Galay Mooye Aan Laga Garanayn Meel Ay Martay Lacagtaasi Waxaanu Golaha Uu Sheegay In Lagu Samayn Doono Lacagtaa Waddo Balse , Ilaa Imika Ayna Golaha Wax War Kan Hayn Halka La Mariyay Lacagtaas , Tanina Waxa Ay Idin Tusinaysaa In Uu Si Fudud Maayirku Uu Lunsado Hantida Umadda Ka Dhaxaysa Gaar Ahaan Kuwa Ku Nool Gobolka Togdheer. Iyadoo Uu Dhulkii Danta Guud Ah Maayirka Iyo Maayir Ku Xigeenku Sidaas Uu Xaraashayaan Ayaa Hadana Waxaa Ka Badan lacagaha Ka Soo Golaha Dawlada Dhexe Oo Aan Iyaguna La Garanayn Meel Ay Ku Dhacdo Iyo Meel Uu Ku Shubto maayirku , Waxaana Ugu Danbaysay Tii Uu Madax-waynuhu Ugu deeqay 500 Oo Kun Oo Dollor Golaha Ka Dib Markii Aan Uu Gudbinay cabasho Ah In Aanan Haysan bajadkii Lagu Shaqo Gelin Lahaa Shaqaalaha. Ayuu Yidhi Xildhibaanku Waxaanu Madax-Waynuhu Uu Sii Hor Mariyay Lacag dhan 200 Oo Kun Oo Dollor , Oo Aan Ilaa Imika Goluhu Garanayn Meel Ay Ku Baxday Lacagtaasi ,Waxaanu maayirku Gebi Ahaanba Lacagtaa Ku Shubtay Jeebkiisa Isagoo Aan Uu Aabo yeelayn Ma Xalaalbaa Mise waa Xaran , Ma Adigaa Leh Mise Shacabka , Taasina Waxay Idin tusinaysaa In Aanu maayirku Haba Yaraate Waxa Rajo Ah Ka Lahayn Inu Uu Gobolka Togdheer Wax Uu Qabto. 

Waxaanu xildhibaanku Ku Soo Gunaanaday Qoraalkiisa Baaq Dheer Oo Uu Diray Shacabka Gobolka Togdheer Isagoo Uu Soo Jeediyay In Ay indhaha Ku hayaan Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Isku Bahaystay dhaca Iyo Boobka Hantida Ay Leeyihiin Dad-Waynaha Ku Dhaqan Gobolka Togdheer. 

Dhanka Kale waxa UU Shacabka Uu Bayaamiyay In Ka Xildhibaano Ahaan Ay Diyaar Uu yihiin In Ay Wax Ugu Qabtaan Gobolka Cashuurta Laga Qaado Dad-Waynaha Ku Dhaqan Gobolka Togdheer Balse Wax Uu Qiray Xildhibaanku In Ay Wax waliba Oo La Doonaayo In Laga Hirgelyo Gobolka Ay Hor Taagan yihiin Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisa Kana Doorbidayaan In Lacagta Wax Lagu Qabanaayo Ay Iyagu Jeebka Ku shubtaan Si Baalmarsan Sharciga Iyo Qanuunkaba .”



contact@afkashacabka.com