Guddomiye Ku Xigeenka Waddani Oo Ka Hadlay Xadhiga Suldan Sabayso

0 in by salman abdi
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiye Ku Xigeenka Waddani Oo Ka Hadlay Xadhiga Suldan Sabayso

    Axmed Muumin Seed, Guddoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boorama ayaa ka hadlay xadhiga Suldaan sabayse iyo Boqor Raabi yuusuf ducaale waxanu yidhi "Runtii waxaan kalmad kooban ka odhanayaa xukumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Muumin Seed, Guddoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boorama ayaa ka hadlay xadhiga Suldaan sabayse iyo Boqor Raabi yuusuf ducaale waxanu yidhi "Runtii waxaan kalmad kooban ka odhanayaa xukumadda Waxaynu ogayn in hore loo xidhay Boqor Raabi oo muddo ku xidhan Hargeysa, waxaa nasiib darro ah in haddana xalay la xidhay Suldaan Mawliid Sabayse oo ka mid ah salaadiinta ugu waaweyn. Runtii waanu cambaaraynaynaa xadhiga suldaanka"ayuu yidhi Mr Seed .

Isagoo sii hadlaya wax uu yidhi Axmed Muumin seed "Waxaanu leenahy xukumadda oo aanu leenahay arrintaasi waa arrin ceeb ah. Waa mid ku ceeb ah milgaha dawladnimada iyo gayiga Somaliland ba. In Boqorada iyo salaadiinta inta guryahooda la xidhaa ceeb bay ku tahay dhaqanka qaranka Somaliland. Waxaanu xukumadda ugu baaqaynaa in si degdeg ah xorriyaddooda loogu soo celiyo boqorka iyo suldaankaba,” ayuu yidhi Mr Seed.

Axmed Mumin Seed ayaa bilihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalda Borama ee xarunta gobolka Awdal ,oo la sheegay inuu ku joogo cadho uu kaga maqan yahy xisbigiisa Waddani oo ay is hayaan Guddomiyaha Mr.Cirro oo aan ku qanacsanayn ku xigeenkiisa una arka inuu yahy maqane jooga oo aan dhib iyo dheef toona u soo hoynayn xisbiga guridanbayska ah .


Conracr@afkashacabka.com