Daawo: Jaamacadda Gollis oo Casho sharaf ku sagootiday Ardaydii Dhowaan ka qalinjebisay Jaamacaddaasi iyo Masuliyiin Dardaaran u jediyey Ardaya jamacaddana ammanay

0
Saturday September 19, 2015 - 18:57:21 in by salman abdi
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Jaamacadda Gollis oo Casho sharaf ku sagootiday Ardaydii Dhowaan ka qalinjebisay Jaamacaddaasi iyo Masuliyiin Dardaaran u jediyey Ardaya jamacaddana ammanay

    Masuliyiinta Jaamacadda Gollis ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyey ardaydii ka qalinjebisay jaamacaddaasi ee dhowaan ku soo qalinjebisay Caasimadda Hargeysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuliyiinta Jaamacadda Gollis ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyey ardaydii ka qalinjebisay jaamacaddaasi ee dhowaan ku soo qalinjebisay Caasimadda Hargeysa,

waxana Munasibaddaasi casho sharafta ah ka qaybgalay, Aqoonyahano siyaasiin, masuliyiinta shirkado ganacsi, madaxda gobolka iyo degmada, madaxda jaamacada gollis, Aqoonyahano ajaanib ah oo ka socday dhowr waddan, iyo ardayda ka qalinjebisay jaamacadda.

Kelmado isugu jira waanooyin, talooyin iyo dardaarano ayay halkaasi ka jeediyeen xubnahaasi ka qaybgalay munasibaddu, waxana dhammaantood ba ku dheeraadeen muhiimadda waxbarashada iyo faaidada ay Bulshada iyo guud ahaanba qaranka ay uleedahay aqoontu.

Madaxda Jaamacadda Gollis ayaa halkaasi ku soo bandhigay qorshayaal cusub oo jaamacaddu damacsantahay, iyo Guulaha ay jaamacaddu gaadhay.

Xubno ka mida Ardaydaasi casho sharafta lagu maamuusay ayaa ka dareen celiyey qalinjebintooda.

Gebogabadiina waxa halkaasi Billado iyo abaalmarino lagu guddoonsiiyey Ardaygii ugu sarreeyey jaamacadda Gollis Burco iyo ardaydi kaalmaha ugu sarreeya ka gashay kulliyadahooda.