Wasiirkuxigenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadlay Xadhiga Suldaan La xidhay

0
Saturday September 19, 2015 - 19:31:47 in by salman abdi
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkuxigenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadlay Xadhiga Suldaan La xidhay

    Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay xadhiga loo gaystay Suldaan Mawliid Sabayso ayaa sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay xadhiga loo gaystay Suldaan Mawliid Sabayso ayaa sheegay

in Suldaankani uu ku hawlanaa kicinta dadka iyo abaabulka dhaqdhaqaaqyo amniga ka dhan ah.

Wasiirka oo ugu horayn ka hadlaya sababta keentay xadhiga Suldaan Sabayse ayaa waxa uu yidhi "Ninkaasi Suldaanka ah ee la soo qabtay ee lagu magacaabo Mawliid, wuxuu baryahan ku jiray abaabul xooggan oo nabadgalyo darro ah, warkiisana waanu haynaa, hadalo xiqdi ah oo dadweynaha kicinaya ayaanu ku hadlay inta badan. Waxa loo haystaa kicin iyo abaabul nabadgalyo darro, iyo hadalo abuuraya nabadgalyo darro. Abaabulka waa marka qofku yidhaa dadka soo kaca oo dawladda waxaad doontaan baad ku samayn kartaan, suldaana wuxuu ka shaqeeyaa nabadda,” ayuu yidhi Wasiir kuxigeenku isagoo BBC-da la hadlaya.

Wasiir kuxigeenka oo la waydiiyay su’aal nuxurkeedu yahay "Wasiir arrinta Suldaan Sabayse idinku dhaliilay ee ah wareejinta haamaha Berbera iyo gacan qaadkii ka dhacay golaha wakiilladu ma nabadgalyo darraa? Waxa uu ku jawaabay " Adeer waxa weeye Haamaha shidaalka xukumad baa u xilsaaran. Xukumadda ayuu sharcigu siinayaa inay iibin karto, inay kiraysan karto, muwaadiniin reer Somaliland ah baa la siiyay, ninka ka soo horjeeda ee leh maxaa loo siiyay dee waa nin wax kale doon ah. Dimuqraaiyaddu maaha wixii dastuurku I siiyay haddaan ku dhaqmo oo adigoo shacabkaygii ah aad iska shoobarayso waa lagu qaban markaas,” ayuu yidhi Wasiir xigeenku.

 


 

 

Wasiir kuxigeenka Amniga ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Qiimaha ay lahaan jirtay Saldanadu iyo sida ay u qiimo dhacday, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Saldanadii dhaqanka haday yihiin, Suldaan, Garaad, Boqor iyo Cuqaalba oo waayihii hore ku koobna arrimaha dhaqanka beelaha, ee nabadaynta iyo samalo talisnimada, waxay muddooyinkii danbe isu bedeleen mid xadhkaha goosatay, tiro ahaan badatay, tayo ahaana ka xuub- siiibatay dhaqankii, iyagoo door biday inay siyaasadda ka qayb qaataan, sidoo kale waxaa sii micno tiray war baahinta”

Booliska ayaa cawaysnimadii Jimcuhu soo galayay xabsiga u taxaabtay Suldaan Mawliid Sabayste oo xukumadda ku canaantay wareejinta haamaha Shidaalka ee Berbera, sidoo kalena khaladkii gacan qaadka Cirro iyo Baashe dusha ka saaray xukumadda.

Sidoo kale waxaa muddo todobaad ku dhaw Hargeysa ku xidhan Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo xukumadda ku dhaliilay qorshaha ay degaanka Banka qoolcaday kagaga dhigayso seero xidhan, halka uu isagu la doonayo dhul daaqsimeed inay ahaato.