Jaaliyadda reer Somaliland ee Waddanka Sweden Oo Shahaado Sharaf Uu Ku Mutaystay Waxqabad ku maamuusay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland. +Saiwro

0
Monday April 21, 2014 - 07:42:11 in by Super Admin
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadda reer Somaliland ee Waddanka Sweden Oo Shahaado Sharaf Uu Ku Mutaystay Waxqabad ku maamuusay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland. +Saiwro

    Jaaliyadda reer Somaliland ee wadanka Sweden, ayaa maanta shahaado sharaf uu ku mutaystay hawl-karnimo gudoon siiyay Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaaliyadda reer Somaliland ee wadanka Sweden, ayaa maanta shahaado sharaf uu ku mutaystay hawl-karnimo gudoon siiyay Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.


Kulankii shahaado sharafta shaqo wanaaga iyo kartida gacanta laga gelinayay Wasiir Xirsi oo lagu qabtay barxada hore ee xarunta madaxtooyadda waxa halkaasi ka hadlay masuuliyiinta Jaaliyadda oo sababeeyay asbaabaha ay shahaadadan u gudoon siiyeen Wasiirka.

Gudoomiyaha Dallada Guud ee Jaaliyada Somaliland ee Dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays, ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay sida uu Wasiirku u istaahilo shahaadadan ay ku abaal-mariyeen, waxaanu yidhi "Sharaf weyn ayey noo tahay jaaliyad ahaan inaanu u garanay kuna maamuusayno Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali xaaji Xasan, Wax-qabadka aan la qarin Karin ee uu dalka u qabtay mudadii uu xilkan wasiirnimada ah hayey, waxaana aanu wasiirka ku dhiirigelinaynaa, qof kasta oo waxqabta ama horumar ummadda u sameeya, dhibta lagama daayo balse annagu garabkaaga ayaanu taaganahay.”

waxaana aanu ku leenahay Wasiir ha ka daalin hawsha aad qabatay haddii aanu nahay reer Sweden-na waxa aanu ku gudoonsiinaynaa shahaadada wax-qabadkaagii aad ku mutaysatay, waxaan ku leenahay Ilaahay garabkaaga ha galo, waana aanu kula shaqaynaynaa Gudo iyo Dibedba,”ayuu intaas raaciyay Sakariye Xasan Wacays.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadashay Safiirka Somaliland ee Sweden, Rooda Cilmi Jaamac, ku dooday inay shahaado sharaftan siiyeen masuul ku haboon oo Mutaystay.


"Aad ayaan ugu faraxsan nahay in aanu halkan in aanu halkan ugu sharafno gudoonsiinana shahaadadan uu ku kasbaday Wasiirka Madaxtooyaddu hawl-karnimo iyo dedaalka uu muujiyay mudadii uu xilka hayay,”ayay tidhi danjire Rooda Cilmi.

Safiirku waxay u mahad celisay jaaliyada abaal-marintan u gartay Wasiirka Madaxtooyadda, waxaanay tilmaantay inay jaaliyadu diyaar u yihiin inay xukuumadooda kala shaqeeyaan horumarinta iyo qadiyada aqoonsi raadintaba.


Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo kulankaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay jaaliyada reer Somaliland ee Waddanka Swedan ee shahaado sharaftan ku maamuustay, waxaanu yidhi "Aad iyo aad ayaan idiinka mahad celinaynaa inaad na sharafteen, noo garateen in aanu ummaddii u shaqaynayno, noo garateen in aad idiinku nagu karaamayseen oo aad nooga mahad celiseen wixii aanu qabanay.”

"Waxa aanu is leenahay wixii aanu ummadda u qaban lahayn wax badan baa noo dhiman, laakiinse waanu ku faraxsan nahay in dadkayagu ay in badani garanayso inaanu wax qabanayno. Waxay arrintani shiidaal u tahay inaanu dedaalno oo inta dhimanna aanu qabano, Waanan ku dedaali doonaa inaanu waxqabadka sii kordhino haddii ALLE yidhaahdo,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waxa kulankan Wasiirka ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Xasan Cabdi Madar.







Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com