Bas Rakaab ah oo Meherad Ganacsi Albaabka uga Galay iyo 3 Qof oo ku dhawacmay

0
Monday April 21, 2014 - 08:24:13 in by Super Admin
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bas Rakaab ah oo Meherad Ganacsi Albaabka uga Galay iyo 3 Qof oo ku dhawacmay

    Ugu yaraan Saddex Qof ayaa dhaawacyo sahlani ka soo gaadheen Shil gaadhi oo ka dhacay agagaarka Guriga Shaqaalaha dawladda ee Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan Saddex Qof ayaa dhaawacyo sahlani ka soo gaadheen Shil gaadhi oo ka dhacay agagaarka Guriga Shaqaalaha dawladda ee Hargeysa.

Gaadhi Bas ah oo siday Rakaab ayaa Al-baabka kaga xerooday Meherad Ganacsi oo ku taala Sekedda dhinaca Galbeed kaga qabsan Guriga Shaqaalaha.

 

Meheradda Gaadhigu galay oo lagu iibiyo Qalabka Computer-ada, isla markaana magaceeda la yidhaahdo Iftin Computers, ayaan wax khasaare ahi soo gaadhin dadkii ku sugnaa Gudaha Meheradda.

 

"Gaadhigan oo xawli ku socday ayaa galay wajahada hore ee Dhismaha Meheradda, dabadeed wuxuu ilaa hal nus Mitir Gudaha u galay Guriga”, sidaa waxa Gobanimo u sheegay Goob-jooge Meherad ku haysta goobta shilku ka dhacay.

 

Gaadhiga ayaa siday dad rakaab ah oo badan, kuwaasoo saddex ka mid ah dhaawacyo soo gaadheen.

 

"wuxuu ku socday Xawli, dabadeed wadda ayaa cidhiidhi ku noqotay, ka dibna wuxuu isyidhi waddan kale ku laab, isagoo sidiisii u xameysan ayuu galay Guriga”sidaasina waxa yidhi goob-jooge kale.

 

"adigu cid wax ku noqotay may jirin, saddex qof oo Rakaab ah ayaa dhaawac soo gaadhay oo Cisbitaalka loo qaaday”ayuu hadalkiisa raaciyay.Shil gaadhi

 

Wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews oo booqday goobta Shilku ka dhacay, ayaa indhahooda ku soo arkay gaadhiga oo madaxa kula jira meherada.

 

Goob-joogeyaasha ay wariyeyaashu la kulmeen ayaa sheegay in Ninkii Gaadhiga waday isagoo bad qaba iskaga tegay goobta oo aanay wax bilays ahi meesha iman, inkasta oo dadkii Meherada joogayna aanay cid meesha ku sugnayd jirin.

 

Qaar ka mida dadkii ku sugnaa Meherada tan Gaadhigu galay ku sugnaa ayaa argagax ka muujiyay Shilkan.

 

Shilalka noocan ayaa inta badan ka dhaca meelaha Suuqa ah ee dadku ku badan yihiin.

 

Waxa inta badan sababa Baabuuta Suuqa ku dhex maraysa Xawaaraha sare ee aan loogu talo gelin in Magaalada lagu dhex maro.


Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com