Taliye Ku Xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland Oo Xabsiga la Dhigay iyo Madaxtooyadda Oo dhacdadan La Amakaagsan

0
Thursday September 24, 2015 - 18:28:03 in by Burco Office
  • Visits: 1203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Ku Xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland Oo Xabsiga la Dhigay iyo Madaxtooyadda Oo dhacdadan La Amakaagsan

    Sarkaalkan ayaa sida la sheegay waxaa loo maray xadhigiisa hanaan farshaxamayn oo ay iska kaashadeen Wasiirka arimaha gudaha somaliland Cali maxamed warancadde iyo taliyaha ciidanka RRU-da iyo weliba Taliyaha ciidanka laanta socdaalka somaliland Maca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaalkan ayaa sida la sheegay waxaa loo maray xadhigiisa hanaan farshaxamayn oo ay iska kaashadeen Wasiirka arimaha gudaha somaliland Cali maxamed warancadde iyo taliyaha ciidanka RRU-da iyo weliba Taliyaha ciidanka laanta socdaalka somaliland Macadda danbiga uu sakaalkani ka galay qaranka iyo sababta keentay xadhigiisa Ma jirto waddo sharci oo loo maray xadhiga masuulkan, Goob joogayaal iyo xubno kale oo la socday dhaqdhaqaaqa hawlgalkan lagu qabtay taliye kuxigeenka ciidanka laanta socdaalka somaliland maxamed saleebaan xasan (sablaale) oo magacooda diiday in la ogaado isla markaana wargal iyo uga qaadeen ah ayaa xusay in aan ilaa hadda aan la fahmi karin sababta ka danbaysa xadhiga taliye ku xigeenka Marka laga yimaado wasiir warancadde Iyo taliyaha RRU-da Ina axmed tiir iyo taliyaha laanta socdaalka maxamed yuusuf canbaro oo iyagu heshiis ku ahaa in masuulkan katiinad lagu jiido oo la jeebeeyo Sarkaalkan in laqabto oo laxidho waxaa ka danbeeyay isla markaana fududeeyay Taliyaha isaga xilka uga sareeya maxamed yuusuf canbaro ka dib markii uu taliye ku xigeenkan uu telfoonka ka wacay una sheegay in ay israacayaan oo wasiirku doonayo hadaba markii ay is heleen waxay tageen guriga wasiir waran cadde ka dib waxa lasheegaya in wasiirka arimaha gudaha oo cadhaysani uu si fool xun oo badheedha uu u aflagaadeeyay nasabiyada taliye kuxigeenka laanta socdaalka isla markaana uu amar ku bixiyay in xadhiga masuulkan iyadoo ciidanka RRU-du ay guriga wasiirka diyaar ku ahaayeen Xarun aan hore loogu xidhin qof noocan oo kale ah ayuu ku xidhanyahay taliye sablaale Waana xarunta guud ee ciidanka RRU-da Ee hargaysa Guud ahaan iyo gaar ahaanba xogta dhacdadani waxay muujinaysaa in qorshe shirqoolaysan lagu qabtay masuulkan Marka laga hadlayo sharciga iyo ku dhaqankiisa waa in sarkaalkan oo kale loo maraa xadhigiisa hab sharci Waa in dacwadiisa maxkamadu aragtaa Xatta hadii uu galo danbi qaran waxaa haboon in xasaanada umada laga qaado Ka hor xadhigiisa Lkn maaha in la huuriyo oo la bahdilo sharaf iyo darajada madaxda dalka Sidaa waxaan u leeyahay sarkaalkani waa mid ku magacaaban dikreeto madaxweyne Wasiirka arimaha gudaha somaaliland iyo wafti balaadhan ayaa dhawaan ka soo noqday dalka itoobiya weftigaas waxaa ka mid ahaa badhasaabo Salkaalkanina wuxuu baasaabooradda u fududeeyay Madaxdaas gobolada, waxaanu siiyay Basaaboorka Somalililand waana sababta keentay xadhiga taliye ku xigeenka laanta socdaalka somaliland iyo khilaafka madaxda wasaaradda arimaha gudaha Fadeexadan dul hoganaysaysa wasaaradda arimaha gudaha waa mid shuraako ka dhigtay rag badan oo isku bogay halka qaar kalena ay ka leexdeen shaqadii umadda oo ay ilaa hadda dubaali mar yihiin Madaxtooyada somaliland ayaa maqalka dhacdadan an fariir ka qaaday kana yaaban sababta uu wasiir waran cadde Usuuraynayo wax aan suuroobayn sidoo kalena uu farda ugu godaayo qaar kood raggii garabkiisa joogay Haddana waa masuul qaran oo kamida kuwa ugu talo qabeensan gadh cadaawayaasha dalka