Muqdisho:Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Dalka Somalia Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Shalay La Dhaariyay

0
Friday September 25, 2015 - 12:19:37 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Dalka Somalia Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Shalay La Dhaariyay

    MadaxweynahaSomalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shalay (khamiis) lagu Hor-dhaariyay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Soomaaliya, S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha CXDS, S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MadaxweynahaSomalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shalay (khamiis) lagu Hor-dhaariyay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Soomaaliya, S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha CXDS, S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.

Dhaarinta taliyeyaashan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa hadal ka jeediyay Xasan Sheekh isagoo uu kula Dar-daarmey Madaxda cusub ee ciidamada inay meesha kasii wadaan guulaha iyo horumarka ciidamadu sameeyeen muddadii ay xilka hayeen madaxdii ka horreeyay.

Taliyaha Ciidanka Dalka Somalia iyo ku xigeenkiisa oo xilalkan dhawaan loo magacaabay Xilalkan ayaa Waxaa maanta Dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf.

"Ciidamada waxay ku talaabsadeen horumar la taaban karo, dowladduna muhimad gaar ah ayay siineysa inay daboosho baahida ciidanka. Nabad-diidkana waxaa la gaarsiiyey jab xooggan, taana waxaa abaalkeeda leh ciidamada Xoogga Dalka oo Garabsanaya kuwa AMISOM,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa intaas ku daray. "Waxaan idin boorrinayaa inaad ka faa’ideysataan Horumarka ay sameeyeen Taliyeyaasha idinka Horreeyay, isla markaana aad ka shaqeysaan tayeynta ciidamada xoogga iyo inaad waddanka u horseeddaan inuu nabad-buuxda gaaro.’’

Ugu dambeyn, Taliyeyaashan maanta la dhaariyay oo dhankooda hadlay ayaa ballanqaaday inay howlaha loo igmaday kasoo bixi Doonaan, waxaana Xafladda dhaarinta ah Goob-joog ka ahaa RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Mas’uuliyiin ka Tirsan Golaha Wasiirrada Xukumadda Somalia iyo Xubno kale. 



Contact@afkashacabka.com