Daawo: Hay'adaha Bisha Cas ee Imaratka iyo Somtrag oo in ka badan 600 Qoys oo Xoolo Udxiyo ah ugu Qaybiyey Burco

0
Friday September 25, 2015 - 13:42:27 in by Burco Office
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Hay'adaha Bisha Cas ee Imaratka iyo Somtrag oo in ka badan 600 Qoys oo Xoolo Udxiyo ah ugu Qaybiyey Burco

    Hay'adda Khayriga ah ee SOMTRAG oo kaashanaysa Hay'adda Bisha Cas eeimaaratka ayaa maanta Gaadhsiisay illaa 600 oo Qoys ka mida qoysaska Danyarta ah ee Burco Xoolo Udxiyo ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Khayriga ah ee SOMTRAG oo kaashanaysa Hay'adda Bisha Cas eeimaaratka ayaa maanta Gaadhsiisay illaa 600 oo Qoys ka mida qoysaska Danyarta ah ee Burco Xoolo Udxiyo ah.

Waxana Xoolahaasi Udxiyada loo Bixiyey oo lagu Gawracay kawaanka Gawraca Xoolaha ee Burco hilibkoodi loogu qaybiyey Qoysaskaasi Danyarta ah Garoonka kubadda kolayga ee SYS Burco.

Sh, Maxamed Xaaji Cismaan oo ah Guddomiyaha Hay'adda Khayriga ah ee SOMTRAG ayaa faahfaahiyey Kaalmada Udxiyada ah ee uu Gaadhsiiysay Qoysaska Danyarta ah

Qaar kamida Dadka sida Mutadawacnimada ah ula shaqeeya hay'adahan iyo Xubno ka mida madax dhaqamedka burco ay iyaguna uga mahadceliyey taakulaynta ay hay'adahani mar walba ka geystaan Gobolka Togdheer iyo meelo kale.