Sacuudiga oo iska fogeeyay masiibadii xajka ka Dhacaday

0
Friday September 25, 2015 - 17:19:29 in by Hargeysa Office
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo iska fogeeyay masiibadii xajka ka Dhacaday

    Madaxda Dowladda Sacuudiga, ayaa iska Fogeeyay eedda masiibadii Xajka ka dhacday, taasi oo in ka badan toddoba boqol oo ruux ay ku dhinteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Dowladda Sacuudiga, ayaa iska Fogeeyay eedda masiibadii Xajka ka dhacday, taasi oo in ka badan toddoba boqol oo ruux ay ku dhinteen.

Hadal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Sacuudiga, ayaa ku celcelisay sababtu in ay tahay Xujeyda oo aan tiilmaamahii la siiyay raacin. Waxayna ballanqaaday in baaris deg deg ah la sameynayo. Balse Iran, oo ay kaga dhigteen xajka in ka badan boqol ruux, ayaa sheegtay in dowladda Sacuudiga ay tahay in ay qaadato mas'uuliyadda.

Mid ka mid ah shirkadaha safarka Xajka oo fadhigeedu yahay Britain, ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta Sacuudigu xireen labo waddo ay dadku isticmaalayeen.